Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Qorshayaal Qabyo Ah Oo Ay Kula Tacaaleyso Ganacsiga Jaadka Oo Ay Sharci Daro Ku Tilmaantay

0
Friday September 05, 2014 - 13:03:20 in by salman abdi
  • Visits: 3401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Qorshayaal Qabyo Ah Oo Ay Kula Tacaaleyso Ganacsiga Jaadka Oo Ay Sharci Daro Ku Tilmaantay

    "Xukuumaddu waxay kiilooga Qaadka ah Ee $ 20-ka dollar ah ku cashuurtaa Nus dollar, Shaadhka $ 100 doolar ahna, Waxay Ku Cashuurtaa $ 25 doolar" Maxamed Cabdi Daa'uud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumaddu waxay kiilooga Qaadka ah Ee $ 20-ka dollar ah ku cashuurtaa Nus dollar, Shaadhka $ 100 doolar ahna, Waxay Ku Cashuurtaa $ 25 doolar" Maxamed Cabdi Daa'uud

"Haddii Dadka Qaar Ka Fikireen Miyeynu Liisamo Ganacsi U Samaynno Oo Aynu Ka Helo Cashuur, Arrintaasi Waxa La Isku Hor-taagay Waa Wax Sharci Daro Iyo Tuugo Ku Soconaya..” Wasiir ku xigeenka Ganacsiga

Maxamed Cabdi Daa’uud, oo ka mid ah waxgaradka reer Somaliland, isla-markaana hore u ahaa Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xukuumadda ku canaantay dhibaatada Qaadku ku hayo bulshada reer Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay dalka ka joojiso ama ay cashuurta ku kordhiso.

 


Maxamed Cabdi Daa’uud, oo ka hadlayey Munaasibad loo qabtay dad ka soo caafimaadey xanuuno ay sabab u ahayd cunista qaadku, ayaa sheegay in kiilooga Qaadka ah ee Lagu iibiyo $ 20 doollar ay xukuumaddu ku cashuurto Nus dollar.

Maxamed Cabdi Daa’uud, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Xukuumaddu waxay kiilooga Qaadka ah ku cashuurtaa $ 0.5 (nus doolar), qiimaha uu suuqa ka joogaana waa $ 20 doollar, afarta Kiiloo ee Qaadka ah waxay cashuur ahaan uga qaadataa $ 2 doollar, shaadhka $ 100 doollar ah, waxay ku cashuurtaa $ 25 doolar, markaa waa inay xukuumaddu isa saxdo”

Maxamed Cabdi Daa’uud, waxa uu ku taliyey in la joojiyo ama cashuurta lagula dagaalamo "Bahalkan (Qaadka) ama waa inay joojisaa, sidaa dawladaha adduunkuba u joojiyeen, ama waxa lagula tacaalaa Cashuurta oo lagu kordhiyee, in cashuurtiisa la kordhiyo..” ayuu yidhi, Maxamed Cabdi Daa’uud. Hasa-yeeshee Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, Bashiir Cabdi Xariir oo isaguna halkaasi ku sugnaa, ayaa isaga oo deba socda hadalkaasi, waxa uu sheegay inaanu Qaadku dalka ku soo gelin sharci isla-markaana ganacsatada dalka keentaa aanay lahayn Liisamo ganacsi, qorshayaasha xukuumaddana ay ka mid yihiin in xal loo helo furdaaminta mushaakilka Qaadku ku hayo bulshada.

Wasiir Bashiir Cabdi Xariir, oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi "Jaadku, dalkeena sharci kuma soo gelo, ganaci sharciyaba maaha. Anigu wasaaradda ganacsiga ayaan joogaayoo, kuwa qaadka ka keena Itoobiya, Liisan ganacsi oo ay ku keenaan ma jiro, markaa sharci daro ayuu inagu soo galaa”

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Bashiir Cabdi Xariir, waxa kale oo uu faahfaahiyey qorshayaasha xukuumadda ee ku aadan Qaadka "Haddii dadka qaar ka fikireen maynu liisamo ganacsi u samaynno oo aynu ka helo cashuur, arrintaasi waxa la isku hor-taagay waa wax sharci daro ku soconaya oo tuugo ku soconaya, oo aynu u baahanahay in aynaan sharci u samaynin” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Talooyinka ayay ka mid tahay jaadka ma cashuurta ayaynu ku kordhinaa, jaadka miyeynu joojinaa, ma saacadaha uu imanayo ayaynu xaddid-naa (intaasiba tallooyinka xukuumadda ayay ka mid tahay)….” 



Contact@afkashacabka.com