Shirkada Shidaal Qodista Ka Wada Somaliland oo Dacawad ku Oogaysa Dawlada Somaliya

0
Friday September 05, 2014 - 13:05:55 in by salman abdi
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Shidaal Qodista Ka Wada Somaliland oo Dacawad ku Oogaysa Dawlada Somaliya

    Xukuumadda uu hoggaamiye Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud, ayaa eedaymo dusha ka saaray Shirkadaha shidaal-qodiska ka wada somaliland Gudaheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda uu hoggaamiye Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud, ayaa eedaymo dusha ka saaray Shirkadaha shidaal-qodiska ka wada somaliland Gudaheeda.
DnoDawladda Federalka ahi waxa ay sheegtay inay shirkadda dalka Norway laga leeyahay ee NDO, ay curyaamin ku waddo dedaalada nabadda lagaga dhalinayo deegaanada somalidu degto oo Somalia ka mid tahay.

Wasiirka Tamarta ee Somalia Jaamac Axmed Maxamed ayaa Arbacadii shalay u sheegay Wakaalada wararka Reuters in Somalia Dacwad ka gudbin doonto Shirkaddahaasi.

Wasiirka ayaa Shirkaddaha Shidaal Sahaminta ku eedeeyay inay heshiis ku galayaan meelo ka hor 1991-kii heshiisyo lagula galay shirkaddo kale.

Waxa uu sheegay inay Wakiilada Shiraddaha Exxon Mobil, Conoco Phillips, Chevron, iyo BP dhawaan kulan la yeesheen, shirkaddahan oo Somalia heshiisyo la galay ka hor 1991, balse hadda ay Somaliland shirkaddaha kale siinayso Liisankeeda.

"Shirkadduhu waxay saxeexayaan Heshiisyo is-dulsaaran, iyagoo u halgamaya sidii ay Maamul Goboleedyada ula shaqayn lahaayeen” ayuu yidhi Wasiirka Tamarta Somalia

 

Wasiirku waxa uu Shirkaddaha ku eedeeyay hagar daamaynta Amaanka somalida, waxaanu yidhi "Kombaniyadan yaryari waxay curyaaminayaan dalka, waxayna burburinayaan dadaalka Bulshada caalamku ku dhisayso nabada iyo deganaanshaha”

Wasiirka Tamarta Somalia waxa uu Reuters u sheegay inay Dacweyn doonaan Shirkaddaha Shidaal Baadhista " Waxaanu ugu digaynaa Shirkaddahaas in Dawladda Somalia Cabasho uga gudbin doonto Waddamada ay ka soo jeedaan iyo Golaha Amaanka Qaramada midoobay” ayuu yidhi Wasiirku.

Warbixinta Reuters waxaa lagu sheegay inaan wasiirku wax Caddayn ah soo bandhigin marka laga reebo Hadalkiisa Eedaynta ah.

Wakaaladda Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in Shirkadda DNO ka jawaabi wayday Telefono iyo Email-lo ay u direen si ay uga jawaabto Eedan.


Contact@afkashacabka.com