Xarunta Dhimirka Ee SAHAN Oo Shahaadooyin Guddoonsiisay Dad Caafimaadey Oo Xirfado La Baray

0
Friday September 05, 2014 - 13:12:45 in by salman abdi
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Dhimirka Ee SAHAN Oo Shahaadooyin Guddoonsiisay Dad Caafimaadey Oo Xirfado La Baray

    Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland, Bashiir Cabdi Xariir, Ayaa Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dufcaddii 7-Aad Ee Wax Ka Barata Xarunta Dhimirta Ee SAHAN.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland, Bashiir Cabdi Xariir, Ayaa Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dufcaddii 7-Aad Ee Wax Ka Barata Xarunta Dhimirta Ee SAHAN.

DSC_0106

Ardaydan Oo Markii Hore Xarunta Ee Dhimira Ee SAHAN Loo Geeyay Caafimaad Ahaan, Ayaa ILAAHAY U Soo Celiyey Miyirkoodii Intii Ay SAHAN Ku Jireen, Waxayna Mudadaasi Barteen Xirfadaha Ay Ka Mid Yihiin Laydhka, Dawaarka, Qur’aanka Iyo Barashada Qorista Iyo Akhriska Afka Soomaaliga.

Munaasibad Ballaadhan Oo Maanta Lagu Qabtay Xarunta SAHAN
Oo Ku Taalla Galbeedka Magaalada Hargeysa, Waxa Ka Qayb-GalayBadan Oo Ay Ka Mid Ahaayeen, Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa, Dr. Askar, Agaasimaha Waaxda Xanuunnada Dhimirka Ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Mustafe, Guddoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, Dr. Axmed Xaashi Odey, Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) Oo Ka Mid Ah Dadka Dhidibada U Taagay Xaruntan Iyo Marti Sharaf Kale.

SAHAN1

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN, Bashiir Maxamed Jaamac, Oo Ugu Horeyn Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Faahfaahiyey Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Ay Soo Martay Xarunta SAHAN, Dedaalka Lagu Bixiyey Iyo Midhaha Ka Dhashay Oo Noqday In Xarunto Noqoto Cisbitaal Iyo Kuliyad Ay Wax Ku Bartaan Dadka Ku Bogsada Marka Ay Muddo Halkaasi Joogaan.

DSC_0020

Bashiir Maxamed Jaamac, Oo Arrimahaa Ka Hadlaya Ayaa Sheegay In Dadka Waxbarashada Ka Faa’idey Xarunta SAHAN Ay Ee Shahaadooyinka La Guddoonsiiyey Ay Guryahooda Dib Ugu Laabanayaan Iyaga Oo Caafimaad Qaba Isla-Markaana Sita Shahaadooyinka Muujinaya Waxay Barteen "Dhalinyarada Aad Arkaysaan Waxay Barteen Xirfado Kala Duwan, Sida Dawaarka, Laydhka Iyo Qur’aanka Oo Ah Ka Ugu Muhiimsan, Ardaydana Waxa Looga Bilaabaa Higaadda, Kuwo Aan Faataxada Aqoonna Waa Loo Saxaa, Kuwii 8-Da Bilood Joogay SAHAN Ee Maanta Ka Baxaya Qaarkood-Baa Bartay Lix Jus, Qaar-Baa Bartay 10 Jus Iyo 7 Jus. Aad-Baan Ugu Mahad Celinayaa Ardaydaasi Mudada Soo Joogay Oo Maanta In Badan Oo Ka Mid Ahi Bixi Doonaan” Ayuu Yidhi, Waxaanu Intaasi Ku Daray "Ardayda Waxaan Kula Dardaarmayaa Inaydaan Qasaarin Tabaca Iyo Dedaalka La Idin Galiyey Oo Aad Iyo Aad U Ilaashataan Tacabkaasi”

Agaasimaha Waaxda Xanuunnada Dhimirka Ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Mustafe Oo Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Yidhi "Anigu Waxaan Ugu Horeyn Aan ILAAHAY Uga Baryayaa Sheekh Aaden Siiro Inuu Siiyo Caafimaad Iyo Cimri Dherer, Waayo Haddii Aanu Isagu Joogin May Socoteen Sahan. Ummadan Aad Aragtaan (Ardayda Wax Ka Baratay Xaruntii Caafimaadka Loo Keenay Ee Sahan) Aniga Iyo Waalidkii Dhalay Ayaa Garan Karna Siday U Kala Duwan Yihiin, Maanta Aniga Iyo Iyaga Oo Shalay Xarunta La Keenay Iyaga Oo Salsilado Ku Xidhan Waxaanu Ku Kala Duwannahay Ma Jiraan (Caafimaad Ahaan)..”

Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa, Dr. Askar Ayaa Isaguna Halkaasi Ka Sheegay Inuu Ku Faraxsan Yahay In Dadkii Iyaga Oo Buka La Keenay SAHAN Ay Ka Baxayaan Iyaga Oo Shahaadooyin Waxbarasho Sita.

Mid Ka Mid Ah Ragga Halkaasi Loo Keenay Caafimaadka Isla-Markaana Allaah Ku Siiyey Caafimaad Isla-Markaana Wax Ku Bartay, Ayaa Isaguna Halkaasi Ka Jeediyay Hadal Dheer Oo Uu Ku Faahfaahiyey Kala Duwanaanshaha Markii La Keenay Iyo Wakhtigan Oo Xaflad Loo Qabtay Qallin-Jabintooda, Waxaanu Sheegay In Aanay Wax Waali Ah Qabin Markii SAHAN La Keenay, Hasa-Ahaatee Hurdo La’aan Is Biirsatay Oo Cunista Qaadku Ka Masuul Tahay Ay Maankooda Doorisay, ILAAHAY’se Uu Xaaladdooda Sax Ka Dhigay "Maanu Xanuunsan Ee Balwad Yar–Bay Ahayd, Waanu Qayiley, Markaanu Qayiley Ee Aanu Qaadi-Rooney, Ee Qaadiradii Naga Tan Badatey Ayaanu Is-Dhaafnay Oo Aanu Midab Doorsoonay” Ayuu Yidhi, Waxaanu Intaasi Ku Daray "Intayada Halkan Ku Jirtay Waanu Caafimaad Qabnaa, Mushkiladayaduna Waxay Ahayd Qaadkaa, Haddii Aanu
Baxnana Waxaan Is Leeyahay Go’aan-Baad Ka Gaadheysaan Qaadka. Waayo Waxaanu Ku Samaynay Daraasad, Qaabka Uu Naga Dhigo Iyo Dhibaatada Uu Na Soo Mariyey Marka Aanu Mirqaanno”

Xildhibaan Axmed Daahir Axmed Magan Oo Ka Mid Ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa, Ayaa Isaguna Halkaasi Ka Sheegay "Waxaan Leeyahay Dhalinyaradaa Soo Tabacday Ee Wax Baratay Hala Dhiirigeliyo Oo Halla Shaqo Geliyo” Ayuu Yidhi, Xildhibaan Axmed Daahir.

Munaasibaddan Oo Ay Sidoo Kale Ka Hadleen Masuuliyiin, Madax-Dhaqameed Iyo Waalidiin, Ayaa Waxa Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) Oo Ka Mid Ah Dadka Muxsiniinta Ah Ee Dhidibada U Taagey Xarunta SAHAN, Waxaanu ILAAHAY Ugu Mahad Naqey Caafimaadka Uu Siiyey Dadkaa Wax Bartay Ee Hore Caafimaadka Loogu Keenay Xarunta SAHAN. Sheekhu Wuxuu Ganacsatada Iyo Dadka Hantiilayaasha Ah Ugu Baaqey Inay Doorkooda Ka Qaataan Xarunta SAHAN, Isaga Oo Si Gaar Ah U Xusay In Halka Ay SAHAN Ku Taallo Laga Samayn Karo Suuq Dhan, Haddii Ganacsatada Waaweyni Ay Sakada Oo Kaliya Ugu Tabarucaan Xarunta SAHAN.

Waxa Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Isla-Markaana Xafladda Soo Xidhay Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Somaliland, Bashiir Cabdi Xariir, Isaga Oo Bogaadiyey Shaqada Ka Socota Xaruntaasi Oo Uu Sheegay Inuu Ku Kalsoon Yahay Adeegyada Caafmaadinta Ah Ee Loogu Fidiyo Dadka Qaba Xanuunnada Dhimirka.]



 Contact@afkashacabka.com