Madaxwanaha Ukrain Oo Soo Dhawayay Heshiis Ka Dhaxayay Falaagda Bariga Ukrain.

0
Friday September 05, 2014 - 13:15:50 in by salman abdi
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwanaha Ukrain Oo Soo Dhawayay Heshiis Ka Dhaxayay Falaagda Bariga Ukrain.

    Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa sheegay in ay suuragal tahay in la gaadho heshiis hordhac u noqon kara xabbad joojin laga gaadho bariga Ukraine galinka hore ee maanta oo Jimce ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa sheegay in ay suuragal tahay in la gaadho heshiis hordhac u noqon kara xabbad joojin laga gaadho bariga Ukraine galinka hore ee maanta oo Jimce ah.

Mar uu ka hadlayay shir ay NATO ku leedahay gobolka Wales ee UK, ayaa waxaa uu si taxadar ah rajo uga muujiyay in dalkiisa ay macquul tahay inuu heshiis la gaadho fallaagada gacan saarka la leh Ruushka.

Wadammada Reer Galbeedku waxa ay sheegeen in ay isla meel dhigayaan cunaqaabateeno cusub oo lagu soo rogayo Ruushka.

Sikastaba, Xoghayaha Guud ee NATO, Andres Fogh Rasmussen, ayaa ka digay in wadahadaladii hore ee uu soo bandhigay madaxweyne Putin ay caad saarayeen xasiloonidarrida uu Ruushka ka wado Ukraine.

Hogaamiyayaasha NATO ayaa sidoo kale waxa ay ka wadahadlayeen sida ay gaashaanbuurtu uga hortagi laheyd halista kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Ilaa iyo haatan, ma uu jiro dal ka tirsan wadammada xubnaha ka ah NATO oo ku biiray duqeymaha cirka ah ee uu Mareykanku ku qaaday kooxdaasi.



 Contact@afkashacabka.com