Amnesty international oo cambaareysay xukun dil ah oo lagu riday 75 qof

0
Sunday September 09, 2018 - 08:29:57 in by salman abdi
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amnesty international oo cambaareysay xukun dil ah oo lagu riday 75 qof

    Amnesty international oo cambaareysay xukun dil ah oo lagu riday 75 qof

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amnesty international oo cambaareysay xukun dil ah oo lagu riday 75 qof

Hay'adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty international ayaa cambaareysay xukun dil ah oo shalay lagu riday 75 qof dalkaasi Masar.

Hay'adda ayaa ku tilmaamtay xukunkani ay maxkamada riday mid ay siyaasad ka dambeyso.

Hussein Baoumi oo ka tirsan hay'adda Amnesty International oo BBC la hadlay ayaa sheegay in eedeeysanayaasha aan la siin xaq ay isku difaacaan.

waxaa ka mid ah dadka xukunka lagu riday xubno sarsare oo ka tirsan ururka Akhwaanul muslimiinka dalkaasi Masar

Waxaa ay dadkani qeyb ka ahaayeen tiro ka badan 700 qof oo loo haystay mudaaharaadyo ay dad badani ku dhinteen oo dalkaasi Masar ka dhacay 2013.

Rabshadahani ayaa 2013 ka qarxay fagaaraha Rabaa al-Adawiya oo ku yaalla magaalada Qaahira.

Dibadbaxyadaasi ayaa waxa ay ciidamada ammaanka ku dileen boqolaal qof oo dibadbaxayaasha ka mid ahaa.

Waxaa dadka xukunka lagu riday ka mid ah saxafi sawir qaade ah oo lagu magacaabo Mahmoud Abu Zeid, oo loo yaqaano Shawkan, oo lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.

Saxafigan ayaa horey ugu guulaystay abaalmarino ku aadan xirfadiisa.

Boqolaal qof ayay booliiska xireen ka dib dibadbaxyadii taageerayaasha madaxwaynihii xilka laga tuuray Axmed Mursi ay dhigeen ka dib markii ay ciidamada la wareegeen talada dalkaasi.