“Qabyaalada Soomaalidu 70% Waxay Dhex Taalaa Soomaaliland, Isbalada Geeskuna Cibro Iyo Casharo Ayaa Ku Sugan”…Siyaasi Duur

0
Sunday September 09, 2018 - 15:58:36 in by salman abdi
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Qabyaalada Soomaalidu 70% Waxay Dhex Taalaa Soomaaliland, Isbalada Geeskuna Cibro Iyo Casharo Ayaa Ku Sugan”…Siyaasi Duur

    “Qabyaalada Soomaalidu 70% Waxay Dhex Taalaa Soomaaliland, Isbalada Geeskuna Cibro Iyo Casharo Ayaa Ku Sugan”…Siyaasi Duur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Qabyaalada Soomaalidu 70% Waxay Dhex Taalaa Soomaaliland, Isbalada Geeskuna Cibro Iyo Casharo Ayaa Ku Sugan”…Siyaasi Duur

Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay isbadalada ka socda Geeska Afrika.

Siyaasi Duur oo ugu horayn ka hadlaya isbadalada Geeska Afrika ka socda ayaa waxa uu yidhhi "Aduunyada waxa maanta ka socda oo dhami waa cibro iyo casharo, Geeska Afrika isbadalo badan ayaa ka dhacay, wixii colaad taalayna waa la soo afjaray, itoobiya wixiiSiyaasi Duur oo hadal ka jeedinayey xaflad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale ka waramay dhibaatada ay somaliland kala kulmay qabyaalada isaga oo xusay in qabyaalada ugu weyni ay hada dhex taalo somaliland.

kala qaybsanaa ee qoomiyado iyo diimo, boqolkaas milyan dhibtii taalay waa la soo afjaray, Eritrea tii u dhaxaysay waa la soo afjaray, colaadii Eritrea iyo Djibouti u dhaxaysayna waa socotaa oo waa la wadaa.”

 

Siyaasi Duur oo hadalkiisi sii wata ayaa soo bandhigay hal dhibaato oo aan wali laga xalin Geeska Afrika waxaanu yidhi "Geeska Afrika hal colaad ayaa taala oo aan la soo afjarin taas oo gurmad iyo cid u baahan waa qabyaalada soomaalida, dhibtii kale oo dhan waa la xaliyey, waxa kaliya ee aan la xalin waa qaybsanida iyo qabyaalada macno darada ku salaysan ee soomaalida, qabyaalada soomaalidana markii aan eegay 70% waxay taalaa soomaliland, bulshada kalana 30% ayey dhex taalaa”

Siyaasi Duur ayaa sidoo kale ka hadlay heerka ay taagan kala qaybsanaanta bulshada somaliland waxaanu yidhi "Qof dumar ah oo xamar ka timid oo somaliland u dhalatay ayaa xalay iiga waramaysay waxay tidhi halkaas kala qaybsani maba taalee qof waliba wuu iska ordayaa, waxaan ogahay somaliland qaybsanida ugu weyn ee qabyaalada jirta ah ayaa taala, aad ayey nasiib daro weyn u tahay, waxaynu u baahanahay cidii inala xalin lahayd dhibaatadaas ee inagala shaqayn lahayd.”