Itoobiya:-Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxaysa xuduuddda Eritrea

0
Wednesday September 12, 2018 - 09:37:26 in by salman abdi
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya:-Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxaysa xuduuddda Eritrea

    Raisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay ka bixi doonaan goobaha soohdinta ah ee dalkaasi uu la wadaago Eritrea laga bilaabo maalinta Talaadada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay ka bixi doonaan goobaha soohdinta ah ee dalkaasi uu la wadaago Eritrea laga bilaabo maalinta Talaadada.


Arrintan ayaa timid kadib markii hoggaamiyeyaasha labada dal ay dib u fureen baraha la isaga gudbo ee xuduudda labada dal halkaas oo ay colaadi ka taagnayd labaatankii sano ee u dambeeyey muran la xiriira xuduudda awgiis.

Kumanaan qof - oo ay ku jiraan askar ka kala socota labada dhinac - ayaa kala qayb galay hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya dib u furitaanka xuduudda magaalooyinka Burre iyo Zalambessa kuwaas oo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ahaa furin dagaal oo labada dal u dhaxaysa.


Todobaadkii hore, ciidamo labada dhinac ka kala socda ayaa ka qayb qaatay hawgal lagu saarayey miinooyinka laguna qaadayey jid gooyooyinka kuwaas oo ragaadiyey ganacsiga iyo isu socodka dadka labada dal oo colaadi ay ka dhaxaysay tan iyo sanadkii 1998.

Heshiiskii ay qaramada midoobay garwadeenka ka ahayd ee la saxiixay sanadkii 2000 ayaan marna la dhaqan galin dalalkuna ay xaalad dagaal kusii jireen.

In ciidamada laga saaro deegaanada lagu muransan yahay ayaa markasta ahayd dalab ka imaanayey Eritrea- taas oo horay ugu eedaysay Itoobiya in ay jabisay heshiiskii sanadkii 2000 ee xuduudda.

Balse labada dal ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed oo cusub bishii July - kaas oo aayar aayar u baddalayey xiriirka u dhexeeya Eritrea iyo itoobiya kuwaas oo aan lahayn xiriir ganacsi iyo mid diblumaasiyadeed toona tan iyo dabayaaqadii sagaashameeyadii.