Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Noqday Mid Ku Fashilmay Wax Ka Qabashadda Sicir Bararka.

0
Friday September 14, 2018 - 11:30:44 in by salman abdi
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Noqday Mid Ku Fashilmay Wax Ka Qabashadda Sicir Bararka.

    Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Noqday Mid Ku Fashilmay Wax Ka Qabashadda Sicir Bararka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Noqday Mid Ku Fashilmay Wax Ka Qabashadda Sicir Bararka. Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa noqday mid ku fashilmay la tacaalida Sicir bararka aafeeyey bulshadda reer Somaliland

, iyada oo uu maalinba maalinta ka dambaysa kor usii kacaayo Sicir Bararku.

Guddoomiyaha cusub ee Baanka Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaan ilaa hadda waxba ka qaban fashilaadaha dul hoganaaya Baanka dhexe ee Somaliland, kaas oo gebi ahaanba ku fashilmay in uu dalka iyo dadkaba ugu shaqeeyo sidii Baan ugu shaqayn jiray.

Lacagihii loogu talo galay in uu ka shaqeeyo ayay hadda gacanta ku hayaan shirkaddaha waaweyn ee Somaliland kuwaas oo shacabka ugu jira kaalintii Baanka dhexe lahaa, gaar ahaana sarifka iyo jarida sicirka sarifka ee maalinlaha ah.

Dhanka kalena gudidii uu madaxweyne Muuse biixi hore ugu magacaabay la dagaalanka Sicir bararka iyo kazoo talo bixintiisa ayaa iyaguna noqday kuwo aan dib loo arag, waxaanay noqdeen kuwo ay shacabku ku hungoobeen.

Xaaladan sicir barar ee dalka ka taagan ayaa haddii ay sii socoto keeni karta amaan daro dalka soo food saarta , iyadda oo ay jiraan dad badan oo aan helin quutal yawmkooda ama nolol maalmeedkoodaba.

Maciishadda ayaa sidoo kale suuqyadda Somaliland kor u kacday, iyadda oo aanay dadka qaarkood jari Karin .