Puntalnad:-Ololaha Doorashada Puntland oo Cirka Isku Shareeray iyo Doorashadii Farmaajo ee 2016 oo Saamaysay.

0
Saturday September 15, 2018 - 09:48:40 in by salman abdi
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntalnad:-Ololaha Doorashada Puntland oo Cirka Isku Shareeray iyo Doorashadii Farmaajo ee 2016 oo Saamaysay.

    Ololaha Doorashada Puntland oo Cirka Isku Shareeray iyo Doorashadii Farmaajo ee 2016 oo Saamaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ololaha Doorashada Puntland oo Cirka Isku Shareeray iyo Doorashadii Farmaajo ee 2016 oo Saamaysay.

Deegaamada Puntland ayaa waxaa weli ka socda loolankii ugu xooganaa ee loogu jiro doorashada madaxtinimada Puntland lafilayo inay ka dhacdo dhammaadka sanadkaan iyo bilowga sanadka dambe ee 2019-ka.

Loolanka iyo ololaha musharixiinta ayaa aad uga duwan kuwii hore walow doorashadu u dhacayso hanaankii hore ee xildhibaanada ku imaanaya soo xulista odayaasha dhaqanka iyo isimada deegaamada Puntland.


Sanadkaan ololaha doorashada ayaa u muuqda mid doorasho qof iyo cod ah marka loo eego habka musharixiintu ugu jiraan ololaha waxaana aad loo adeegsanayaa dhalinyarada iyo baraha kala duwan ee bulshada sida Facebook, twitter IWM.

Dad badan ayaa rumaysan in arrintaan ay saamayn ballaaran kuyeelatay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya ee 2016 xilligaasi oo musharixii dhalinyaradu aadka ugu ololaynayeen baraha bulshada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha xiga ee Puntland 2019 waxaa dooran doona 66 xildhibaan oo ay soo xulayaa odayaasha dhaqanka iyo isimada qabiilada kala duwan ee deegaamada Puntland.