Caalamka:-Xoghayaha Guud Ee Qaramadda Midoobay Oo Ka Hadlay Heshiiska Dhexmaray Jabuuti Iyo Ereteria

0
Tuesday September 18, 2018 - 09:59:32 in by salman abdi
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Xoghayaha Guud Ee Qaramadda Midoobay Oo Ka Hadlay Heshiiska Dhexmaray Jabuuti Iyo Ereteria

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,António Guterres ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadda ee hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Ereteria ay ku saxiixeen magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,António Guterres ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadda ee hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Ereteria ay ku saxiixeen magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya.


Xoghaye Antonia Guterres oo goob joog ka ahaa goobtii ay heshiiska ku saxeexayaan hogaamiyeyaasha wadamada Itoobiya iyo Eritrea ayaa soo bandhigay dareenka uu ka qabo colaada soo afjarantay ee ay heshiiska ka gaadheen labadaas wadan.

"Waxaan si gaar ah uga mahadcelinaya boqor Salmaan oo dadaal badan geliyay nabad ka aslixinta geyiga labadaasi dal iyo soo afjarida khilaafka muddada dheer u dhaxeeyay Itoobiya  iyo Ereteria." ayuu yiri Guterres oo wariyayaasha kula hadlay Jeddah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaa kalo u sheegay inay wax badan iska badalayaan xiriirka waddamada geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda, isagoo ku dhiirrigaliyay hoggaamiyayaasha qaaradda si wada-jir ah in looga shaqeeyo hagaajinta xiriirka bulsho iyo dal.

 

Madaxweynaha dalka  Eritrea,Isaias Afwerki iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya,Abiy Axmed ayaa galinkii dambe ee shalay qalinka ku duugay heshiis ay garwadeen ka aheyd dowladda Sacuudiga,heshiiska oo dib u hagaajiyay xiriirka labada dal oo muddo labaatan sanno ay ka dhaxaysay colaad.

 

Halkan Hoose Ka  Daawa Warkaas Oo Muuqaal Ah