Muqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay qoyska gabadha 9 jirka ah ee Muqdisho lagu dilay Iyo Arimaha Uu Ka Hadlay

0
Friday September 21, 2018 - 09:12:57 in by salman abdi
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay qoyska gabadha 9 jirka ah ee Muqdisho lagu dilay Iyo Arimaha Uu Ka Hadlay

    Muqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay qoyska gabadha 9 jirka ah ee Muqdisho lagu dilay Iyo Arimaha Uu Ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay qoyska gabadha 9 jirka ah ee Muqdisho lagu dilay Iyo Arimaha Uu Ka Hadlay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qoyska ay ka baxday gabadh ciyaal iskuul ah oo sagaal jir ah oo magaalada Muqdisho lagu toogtay, sida uu BBC-da u xaqiijiyay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya.

Balse kulankaas ayaan faahfaahin dheeri ah laga bixinin, saxaafaddana lala wadaagin.

Dhanaka kalana dawladda Soomaaliya ayaa xirtay afar askari oo lagu eedeeyay in ay dileen gabadhaas.

Deeqa Daahir ayaa ku sii socotay guriga iyada oo saaran baska iskuulka oo dhex marayay magaalada Muqdisho, askarta dawladda ayaana rasaas furay si ay gawaaridu u socdaan oo saxmaddu u kala yaraato.

Gabadhan yar ayaa la aasay Khamiistii, ka dib markii ay haleeshay xabbad iyada oo faraxsan oo jalaato cunaysa.

Istii aaskeedu socday qoyska gabadha ayaa dalbaday in caddaalad loo sameeyo.

In ciidammadu ay rasaas ku fureen meel shacab ka agdhaw yahay waa wax caadi ka ah magaalada Muqdisho, balse taliyaha booliiska ayaa hadda ballan qaadaya in dacwad lagu soo oogi doono askari kasta oo rida rasaas halis galinaysa shacabka.

Isniintiina darawal bajaaj ayaa dhintay ka dib markii ay haleeshay rasaas uu askari ku furay waddo ku taalla magaalada Muqdisho.

Deeqa DaahirLahaanshaha sawirkaQOYSKA DAAHIR
Image captionDeeqa Daahir

Soomaaliya ayaa tartiibtartiib uga soo kabanaysa tobannaan sano oo dagaal sokeeye ragaadiyay, balse caqabad wayn ayaa wali ka taagan dhanka ammaanka.

Qolyaha jihaaddoonka ah ayaa lagu yaqaanna in ay weerarro qaadan marka ay wadooyin ciriiri yihiin ee saxmad jirto, laamaha ammaanka ayaana isku daya in gawaaridu aysan istaagin.