Muj Xassan Ciise Oo Hadley Cabdiraxmaan Ciro Iyo Faysal Cali Waraabe-na Ku Tilmaamay.

0
Wednesday September 26, 2018 - 09:16:15 in by salman abdi
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muj Xassan Ciise Oo Hadley Cabdiraxmaan Ciro Iyo Faysal Cali Waraabe-na Ku Tilmaamay.

    Muj Xassan Ciise Oo Hadley Cabdiraxmaan Ciro Iyo Faysal Cali Waraabe-na Ku Tilmaamay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muj Xassan Ciise Oo Hadley Cabdiraxmaan Ciro Iyo Faysal Cali Waraabe-na Ku Tilmaamay. Muj Xassan Ciise Jaamac ayaamadaxda xisbiyada Mucaaridka ah ee Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay inay ka mid yahiin shakhsiyaadka ay Somaliland nasiibka u heshay .



Mujaahid Xassan Ciise Jaamac oo ka hadlaayey Barnaamij Taariikh ah oo uu ka diyaarinaayey wariye Cali Jibriil Xirsi ayaa waxaa uu labadaas siyaasi ku bogaadiyey go,aanka ay ka qaateen doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii hore waxaana uu ugu horeyn uu yidhi .


 

 

" Fursadan ayaan doonayaa qodob hore iigu seegay oo ah in aan si buuxda u tahniyadeeyo kuna hanbalyeeyo Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe , waayo dhibaato kasta oo doorashadii ugu danbeysay ka dhacday hadana hayara cawdaan into hore ii xaq ayey u lahaayeen waxii ay ka cabanayaan inay ka cawdaan oo waxii dhibaato ay sheegayaan ay sheegaan lakiin inay aakhirkii natiijada doorashada ogolaadaan ay si nabadgalyo ahna go,aamiyeen in waxii dhibaato ah loo xaliyo aad iyo aad ayaan ugu hanbalyeynayaa , waxaanan hore u idhi iminkana aan si furan u odhanayaa Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe oo kale shaqsiyaadka ay Somaliland ku nasiibka badan tahay ayay ka mid yahiin , Odey nimo , Waayeel nimo , iyo Gobonimo ayey Muujiyeen dhibaatooyin macnaheedu maaha ma jiro waa wax la xalin karo si nabadgelyo ah lagu xaliyo dariiqaas ayey mareen waana aan hanbalyeynayaa ….” Ayuu yidhi Muj Xassna Ciise


Source :- Geeska