Hargaysa:"Madaxweyne Halkii Aad Doonaysay Waanu Ku Gaadhsiinay ee Adigu Maxaad Nala Doonaysay"...Siyaasi Axmed Nasiye

0
Friday September 28, 2018 - 16:46:59 in by salman abdi
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:"Madaxweyne Halkii Aad Doonaysay Waanu Ku Gaadhsiinay ee Adigu Maxaad Nala Doonaysay"...Siyaasi Axmed Nasiye

    Siyaasi Axmed Muxumed Cumar (Axmed Nasiye) Oo kamida Masuuliyiinta xisbi xaakimka kulmiye Ayaa Markii uhoraysay siqodheer uga hadlay dhismaha xukuumada madaxwayne biixi iyo Sida ay uga maqan yihiin siyaasiyiintii hormuudka u ahaa guusha xisbiga kulmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Axmed Muxumed Cumar (Axmed Nasiye) Oo kamida Masuuliyiinta xisbi xaakimka kulmiye Ayaa Markii uhoraysay siqodheer uga hadlay dhismaha xukuumada madaxwayne biixi iyo Sida ay uga maqan yihiin siyaasiyiintii hormuudka u ahaa guusha xisbiga kulmiye.

 
Sidoo kale siyaasi Axmed Nasiye ayaa ka warbixiyay safarkii madaxwayne kuxigeenka somaliland ku tagay dalka sucuudiga isaga oo kamid ahaa xubnihii ku weheliyay safarkan,.
 
Sidaasina waxa uu ku sheegay waraysi uu shalay degelka wararka ee Wajaale ku siiyey magaallada Hargeysa
 
 
"Madaxweynuhu Markuu meesha (madaxtooyada) tegey ballanqaadyo badan buu u sameeyey asxaabtiisii la soo shaqaysay ee la soo ololaysay,

waxyaabaha uu u ballanqaaday waxa kamid ahayd, dawladdii KULMIYE ee isaga ka horreysay waxa ay baalmartay hawlwadeennadii xisbiga, waxaanay meesha soo gelisay dad aan juhdi badan ku bixin waqtigii ololaha”. Sidaas ayuu yidhi Mr. Axmed, waxana uu intaa kuladhay "Madaxweynuhu wuxuu ka tagay dadkii la soo halgamay oo dad cusub buu qortay, laakiin isaga ayaa xor u ah cidda uu shaqada qoranayo hase ahaatee annagu xataa arrintaas waanu kala hadalnay markii uu guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga ahaa, waxaanu nagu yidhi kolley illoobi maayo raggaas ila soo dadaalay ee inta ugu badan, waxa laakiin jirta in qofku is weydiiyo dadkan ku dooranayay ee kuu ololaynayay ma adiga ayay iska kaa jeclaayeen, ma dano kale ayay lahaayeen, maxay tahay sababta ay kuu taageerayeen ileyn ninkan siyaasiga ah ee la dooranayaa maaha Rasuul loo soo dhiibay risaallad ama diin samaawi ah oo dadka inta raacdaa ay janno ku helayso laakiin dee qofka taageeraya laftiisu dan [interest] buu leeyahay isaguna ee [siyaasiga uu wato] dembi dhaaf kama rabo”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay siyaasi Axmed Nasiye.
 
Waxaa kale oo uu sheegay in taageerayaashii iyo dadkii ololaha kula jiray madaxweynuhu ay laftoodu dano kala duwan lahaayeen kuwaas oo uu ku dooday in qaarkood mansab ka doonayeen, halka kuwa kalena ay xurmo ka rabeen inay helaan guusha dabadeed "dadkan la socday qofka siyaasiga ahi qaarkood baa dano lahaa, qaar baa xurmo ka rabay, dad kale ayaa iyaguna inay magac ku helaan ka doonayey laakiin waxaas oodhan waxa ka horreeyey……annagu waxaanu leennahay haddaanu nahay taageerayaashii iyo nimankii kula socday, halkaad doonaysay waaanu ku gaadhsiinaye adigu maxaad annaga nala doonaysay?”.
 
Geesta kale Axmed Muxumed Cumar waxaa uu sharraxay aragtida uu ka qabo dawladda uu soo dhisay madaxweyne Biixi waxana uu yidhi "dawladda uu madaxweynuhu soo dhisay waxay ku sallaysan tahay aragtida qofku aaminsan yahay iyo sida uu u arko inay sax la tahay laakiin dadka ayaa ka jawaab celiya, markaas marka ay jawaabta dadku kugu soo noqoto waa inaad falanqaysaa dadkani waxa ay la qaylinayaan ee ay ka hadlayaan.
 
Toddoba qof haddii ay sabab isku mid ah iisheegaan waa inaan ka go’aan qaataa, hoggaamiya noocaas ahna waxa loo yaqaannaa responsive leader oo wuxuu ka jwaab celiyaa dareenka dadka” "ta kale anigu markii uu dawladda dhisayay waxaa uu yidhi madaxweynuhu anigu wasiiirradayda uma diranayo reero laakiin dhismaha bulshadeena ayaa reero ku sallaysan oo madaxweynahaba reer baa lagu soo doortay, oo reero ayaa loo tegeyey oo na taageera lagu lahaa haddana reeraha laftoodii waan ignore-garaynayaa in la yidhaahdaa ma soconayso”. "ninka wasiirka ahina waa laba arrimood shaqadiisu oo mida koowaad waa in shaqada xafiiskiisa uu ku filnaado, reerkii uu ka dhashay ee uu kas oo jeedayna waa inuu qiyam ku dhex leeyahay oo siyaasad ahaan kaaga filnaado haddaanu intaas kuu samayn karina wax uu kuugu filan yahay baaba iska yar, markaa waxaan aaminsanahay in dadku waxa ay tabayaan tahay dhaqankaas siyaasiga ah ee meesha ka maqan”