Midowga Yurub oo ka Hadlay Waxbarashadda Somaliland

0
Saturday September 29, 2018 - 08:33:32 in by salman abdi
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo ka Hadlay Waxbarashadda Somaliland

    Midowga Yurub oo ka Hadlay Waxbarashadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub oo ka Hadlay Waxbarashadda Somaliland

Midowga Yurub ayaa daboolka ka qaaday in isbeddel laga sameeyey waxbarashadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay kordheenwiilasha iyo hablaha dugsiyada la qoraa.

Siday Werisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xiganaysa warbixin maanta ay soo saareen Midowga Yurub oo lagu sheegay in Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, Midowga Yurub iyo Hay’addaGlobal Partnership For Education, ay 17kii iyo 18kii bishan wadajir u qabteenHargeysa shir ay dib u eegis ku sameynayeen qorshaha waxbarashadda ee dalka.

Warbixinta Midowga Yurub waxalagu caddeeyey in shirkaas lagu qiimeeyey hadafkii lahiigsanayey, waxa kaloo lagu dejiyey qorshe hawleedkatacliimeed ee sannadka 2019ka, kaasi oo waafaqsanbarnaamijka waxbarasho 2017ka illaa 2021ka.

Midowga Yurub waxay intaas ku dareen in himilooyinka waxbarashadda Somaliland ee sannadka 2019ka ay ka mid yihiin in kor loo qaadoka qaybgalka waxbarashadda ee wiilasha iyo hablaha, in la horumariyo tayada waxbarashadda, tababarka macalimiinta iyo in la xoojiyo maamulka waxbarashadda waddanka.

Waxa kaloo warmurtiyeedka lagu xaqiijiyey in xukuumadda Somaliland balanqaaday inay kordhiso xaddiga miisaaniyadda ee dhinaca waxbaraashada oo la gaadhsiinayo13% sannadka 2021ka.

 

Geesta kalena, Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaaiftiimiyey inayxukuumadda Somaliland ka go’antahay inay ka dhabeysoqorshaha waxbarasho ee dalka, iyadoo kaashanaysa bah-wadaagta kala shaqeysadhinaca waxbarashadda.

Fulgencio Garrido Ruiz oo katirsan saraakiisha midowga Yurub ayaa ku ammaanayWasaaradda Waxbarashadda tallaabooyinka ay qaaday iyo sida ay kordheen wiilasha iyo hablaha dugsiyadda la geeyaa.