Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Oo Ka Mid Noqoday 100 Qof Ee Dedaalka Badan Africa Ee Ku Nool Dalka Wales.

0
Saturday September 29, 2018 - 08:33:32 in by salman abdi
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Oo Ka Mid Noqoday 100 Qof Ee Dedaalka Badan Africa Ee Ku Nool Dalka Wales.

    Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Oo Ka Mid Noqoday 100 Qof Ee Dedaalka Badan Africa Ee Ku Nool Dalka Wales.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Oo Ka Mid Noqoday 100 Qof Ee Dedaalka Badan Africa Ee Ku Nool Dalka Wales.

Laba nin oo reer Somaliland ah ayaa ka mid noqday 100 qof oo Afrikaan Welish ahoo lagu qiimeeyey inay fikrado la yimaadeen isla markaana ay hormuud u yihiin dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee u shaqeeyey Waddanka Wales ee Boqortooyada Ingiriiska.

Dalka Waleswaxa lagu qabanayaabishafooda innagu soo haysa ee October,sannad guuradda 70aad ee ka soo wareegtay xiligiidadka Afrikaanka ah ay tageendalkaas, sidaasna waxa shalay daabacday shabakadda WalesOnline.

 

Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa xalay ka soo xigatay Shabakadda Wales Online, in  Iid Cali Axmed iyo Cali Cabdioo u dhashay Somalilanday ka mid noqdeen boqolka qof ee ugu dedaalka badan Afrikaanka ku nool Wales.

 

Iid Axmed Cali oo 68 jir ahwaxay Wales Online xaqiijisayinuu ahaa halgamaa iyo hawlwadeenhore oo ka soo shaqeeyey Baan caalamiya. Waxaanu Wales ku galayqaxoontinimosannadkii 1987kii, isagoo noqdayGuddoomiye ku-xigeenkaGolaha Qaxoontiga Wales (WRC) sannadkii 2011kii.

 

Warku wuxuu intaas ku daray in Iid Axmed Cali uu ka tirsanaan jirayururkii SNM ee riday taliskii kaligii taliyihii Siyaad Barre oo ka soo barokaciyey dalkiisii.

 

Iid Axmed Cali wxa kaloo uu noqday Guddoomiyihii hore ee bulshada reer Somaliland ee Yurub iyo Ingiriiska.waxaanu si joogto ah u booqdaa Somaliland oo ah waddankiisa hooyo oo ah mid xasiloonoo dimuqraadi ah oo xornimadiisii kala soo noqday Soomaaliya.

 

Warbixintu waxay intaas ku dartay inCali Cabdiuu isna xubin firfircoon ka ahaa bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Cardiff, waxaanu door ku lahaa olole ku wajahnaa toosinta iyo dhiirigelinta dhallinyarada,si ay ula macaamilaan bulshada ay la nool yihiin.

 

Cali Cabdi waxakaloo uu ka qaybqaatay mashruuc la xidhiidhay shaqo abuurka iyo kor u qaadista xirfadaha shaqooo looga gol lahaa inlagu yareeyosaboolnimada.