Raysal Wasaaraha Yuhuuda Oo Sida Fiinta Uga Qeyliyey Hub Uu Sheegay In Dalka Iiran Qarsaneyso.

0
Saturday September 29, 2018 - 08:33:32 in by salman abdi
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Yuhuuda Oo Sida Fiinta Uga Qeyliyey Hub Uu Sheegay In Dalka Iiran Qarsaneyso.

    Raysal Wasaaraha Yuhuuda Oo Sida Fiinta Uga Qeyliyey Hub Uu Sheegay In Dalka Iiran Qarsaneyso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Yuhuuda Oo Sida Fiinta Uga Qeyliyey Hub Uu Sheegay In Dalka Iiran Qarsaneyso.

Ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahuayaa Iran ku eedeeyey inay haysato xarun hubka nukliyeerka lagu keediyo oo ku taalla magaalada Tehran.



"Iran kama aysan tanaasulin hadafkeeda ah inay horumariso hub nukliyeer” ayuu Netanyahu u sheegay kulanka Golaha Guud ee QM, isaga oo gacanta ku haya sawirrada iyo qariiradda dhisme ku yaalla degmada Turquzabad ee magaalada Tehran.


 

 

Netanyahu ayaa sheegay in Iran ay dhismahaas u adeegsato "inay ku keediso qalab iyo walxo tiro badan oo loogu talo-galay barnaamijkeeda Nukliyeerka”


Waxa uu sheegay in hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomiga ee IAEA iyo qaar ka mid ah hay’adaha sirdoonka ku war-geliyey dhismaha, wuxuuna dalbaday in IAEA ay baaritaan deg deg ah ku sameyso goobtan.


Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa ku gacan seeray sheegashada Netanyahu, wuxuuna sheegay in Iran aysan haysan barnaamij ay ku horumarineyso hub Nukliyeer.


"Ujeedada kaliya ee arrintan waa in la qariyo xaqiiqda ah in Israel ay tahay halista ugu weyn ee nabadda gobolka” ayuu yiri Zarif.