Muqdisho:-Aabbaha Ruqiya oo beeniyay inuu gabadhiisa bixiyay.

0
Saturday September 29, 2018 - 13:24:32 in by salman abdi
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Aabbaha Ruqiya oo beeniyay inuu gabadhiisa bixiyay.

    Muqdisho:-Aabbaha Ruqiya oo beeniyay inuu gabadhiisa bixiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Aabbaha Ruqiya oo beeniyay inuu gabadhiisa bixiyay.
Toddobadkan waxaa aad loo hadal-hayay  arooska Ruqiyo Cabdullaahi iyo wiilka ay is-caashaqeen ee Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar oo ka soo jeeda beelaha la haybsooco.

Kiiska Ruqiyo ayaa abuurey dood adag,kaddib markii qoyskeeda xubno ka mid ah ,gaar ahaan dhanka hooyadeed ay dil naxdin leh u geysteen Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo) oo adeer u ah wiilka Maxamed Cabdiraxmaan .

Aabbaha dhalay  Ruqiyo, Cabdullaahi Maxamed Axmed oo markii hore la isla-dhexmarayay inuu guurka raalli ka yahay ayaa hadda beeniyay, wuxuuna sheegay in lagala soo baxsaday gabadhiisa ,islamarkaana uusan bixin wilaayadeeda.

"Anniga ayaa Aabbaheed ah Ruqiyo,mana bixin...Afduub ayaa leyga haystaa gabadha" ayuu yiri Aabbe Cabdullaahi oo inta ku daray "Dowladda waxaan ka codsanaya in gabadha la ii soo badbaadiyo."

Taliska booliska Soomaaliya ayaa horey u sheegay saddexda ruux ee u xiran kiiska Axmed Dowlo oo ay ku jirto hooyada dhashay Ruqiyo in  maxkamad la soo taagi doono.