Xiisada Siyaasadeed Ee Ka Dhaxeysa Mareykanka Iyo Iran Oo Sameysay Dalka Ciraaq

0
Sunday September 30, 2018 - 09:14:53 in by salman abdi
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisada Siyaasadeed Ee Ka Dhaxeysa Mareykanka Iyo Iran Oo Sameysay Dalka Ciraaq

    Xiisada Siyaasadeed Ee Ka Dhaxeysa Mareykanka Iyo Iran Oo Sameysay Dalka Ciraaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada Siyaasadeed Ee Ka Dhaxeysa Mareykanka Iyo Iran Oo Sameysay Dalka Ciraaq

Mareykanka wuxuu sheegay inuualbaabada isugu dhufanaya qunsuliyadda uu ku leeyahay magaalada Basra ee ku taalla koonfurta Ciraaq isla markaasna uu ku eedeeyay Iiraan iyo ciidammada ay taageerto inay amni darro halkaasi ka abuurayaan.


Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in dhammaan shaqaalaha gurmadka deg deg ah ee ku sugnaa qunsuliyadda lagu amray inay ka baxaan halkaasi, lana gayn doono magaalada Baqdaad.


 

 

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Iiraan ay mas'uuliyadda qaadeyso waa haddii waxyeelleyn loo gaysto muwaadiniinta Mareykanka iyo dhismaha qunsuliyadda Basra.


Magaalada Basra waxay hoy u tahay in ka badan 2 milyan oo qof kuwaaso dhawaan la kulmay dibadbaxyo rabshado watay.


Pompeo wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay ku guuldareysatay inay ka hortagto gantaallo dhawaan lagu weeraray qunsuliyadda Mareykanka ee Basra.