Addis Abbab:-Garyaqaan ka warramaya in Cabdi Maxamuud Cumar loo fidin karo cafis iyo in kale.

0
Sunday September 30, 2018 - 09:14:53 in by salman abdi
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Addis Abbab:-Garyaqaan ka warramaya in Cabdi Maxamuud Cumar loo fidin karo cafis iyo in kale.

    Addis Abbab:-Garyaqaan ka warramaya in Cabdi Maxamuud Cumar loo fidin karo cafis iyo in kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Abbab:-Garyaqaan ka warramaya in Cabdi Maxamuud Cumar loo fidin karo cafis iyo in kale.

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, oo shalay markii saddexaad maxkamad lagu soo taagay magaalada Addis Ababa ayaa ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ka codsaday inuu cafis u fidiyo isaga iyo dadka la eedaysanba.

Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in muddo 12 sano ah uu dalkiisa u soo shaqeynayay, haatanna uu mudan yahay in la cafiyo. Dhageysiga dacwaddiisa ayay mar kale hadana maxkamddu dib u dhigtay.

Maxamed Shariif Cabdi oo ah garyaqaan ayaa BBC-da u sheegay in haataan aanan go'aan laga soo saarin dacwadda loo haysta Cabdi Maxamuud Cumar isla markaasna uu yahay eedeysane.

Wuxuu yiri " nin la xukumay ma aha, ninka dambiyada lagu soo oogay caddeymaheedii intii lagu caddeeyay ay maxkamaddu ay go'aan ka gaartay ma aha isla markaasna xabsiga loo taxaabay"

Garyaqaanka wuxuu sidoo kale sheegay in cafis loo fidin karo oo kaliya ah marka caddeymaha lagu helo oo ay maxkamadda go'aan gaarto isla markaasna uu isaga soo codsado in la cafiyo isagoo xabsi ku jiro.

" Waa in kiiskii oo dhamaystiran ay keenaan, haddii dacwaddiisa ay bilaabato, oo dhagaysiga maxkamadda uu bilaabmo oo dabadeedna caddeymihii la keeno, dabadeedna go'aan la qaato, wixii intaa ka dambeeyo ayaa isaga oo xabsi ku jira codsi dalban kara oo cafis kusoo bixi karaa, lakin hadda iyadoo aysan dhamaan dhagaysiga dacwadda cid cafin karta ma jirto" ayu yiri garyaqaan Maxamed Shariif Cabdi.


Sida uu sheegay garyaqaanka,dastuurka dalka Itoobiya wuxuu dhigay in qofka aanan la oran karin dambiile ilaa ay maxkamad ku caddeyso.

Maxamed Shariif wuxuu sheegay in damaanad kusii deynta qofka ay ku xirantahay culeyska dacwadda iyo go'aanka ay maxkamadda ka gaari karto.

Muddo 42 maalmood ah ayey xirnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, ayadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban malamood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.