Somaliland Oo Codsadey In Raysal Wasaaraha Itoobiya Soo Kala Dhex Galo Arrinta Somaliland Iyo Soomaaliya

0
Sunday September 30, 2018 - 09:38:16 in by salman abdi
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Codsadey In Raysal Wasaaraha Itoobiya Soo Kala Dhex Galo Arrinta Somaliland Iyo Soomaaliya

    Somaliland Oo Codsadey In Raysal Wasaaraha Itoobiya Soo Kala Dhex Galo Arrinta Somaliland Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Codsadey In Raysal Wasaaraha Itoobiya Soo Kala Dhex Galo Arrinta Somaliland Iyo Soomaaliya Dawladda Somaliland ayaa ugubaaqday Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya oo uu u xaliyo sidii uu u xaliyay arrimaha Itoobiya-Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo khilaafaadka Koonfurta Suudaan.


Wakiilka Somaliland u jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mr. Axmed Xasan Cigaal, oo u waramay wakaaladda wararka Itoobiya ee Walta, ayaa sheegay in Somaliland aad u soo dhawaynayso isbedelada uu Raysalwasaare Abiy Axmed ka hirgeliyay gobalka Geeska Afrika.


 

 

Mr. Cigaal wuxuu sheegay in isbedelada uu sameeyay raysalwasaaraha Itoobiya ay burburiyeen buuro kala dhex yaalay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo dib u heshiisiinta uu ka dhex dhaliyay madaxda dalka Koonfurta Suudaan, "Waxa aanu raysalwasaaraha ka rajaynaynaa in uu sida oo kalena u soo jeesto Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu yidhi Wakiilka Somaliland.


Waxa kale oo uu wakiilka Somaliland sheegay inuu ku rajo weynyahay in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee ka badheedha aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, "Waxaanu rajaynayaa in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee dunida u sheega in Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado.” Ayuu yidhi Wakiilku.


Waa markii u horaysay ee ay dawladda Somaliland ugu baaqdo raysalwasaaraha Itoobiya inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya.


Source:- Geeska