Agaasimaha Guud Ee Wasarada Biyaha Oo Ka Hadlay Baahida Taala Gobolka Hawda Oo Ay Safar Ku Tageen.

0
Sunday September 30, 2018 - 09:38:16 in by salman abdi
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Wasarada Biyaha Oo Ka Hadlay Baahida Taala Gobolka Hawda Oo Ay Safar Ku Tageen.

    Agaasimaha Guud Ee Wasarada Biyaha Oo Ka Hadlay Baahida Taala Gobolka Hawda Oo Ay Safar Ku Tageen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud Ee Wasarada Biyaha Oo Ka Hadlay Baahida Taala Gobolka Hawda Oo Ay Safar Ku Tageen.

Ugu horreyn, Jimcihii shalay oo bisha September ahayd 28 sannadka 2018, ku beegnaan hiirtii waaberi, waxa magaaladda Hargeysa ka jarmaaday wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka mudane Cawaale Shirwac aynna ka mid ahaayeen:Image may contain: one or more people and people sitting

  1. Wasiirka Caafimaadka,
  2. Diinta iyo Awqaafta,
  3. Wasiirka Maalgashiga,
  4. Agaasimaha guud ee W. H. biyaha,
  5. Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka,
  6. Agaasimaha guud ee W. Macdanta iyo Tamarta,
  7. Agaasimaha xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye,
  8. Iyo guddoomiyaha gobalka Hawd,

Image may contain: 2 people, people sitting and suitMar kale, dulucda iyo daarannaanta safarka waftiga ayaa ahaa ukuurgalka iyo ogaalnimada baahiyaha shacabka gobalka Hawd oo ah gobal taariikhwayn oo dhaqan, dhaqaale, halgan iyo hoggaamin ah ku leh taariikhda siyaasadda Jamhurriyadda Somaliland.

 

Image may contain: 7 people

Image may contain: 4 people, including Jamal A. Muse and Mohamed Gacayte, people smiling, people standing and beardDhanka kale, deegaamada iyo degmooyinka gobalka hawd ee waftigu u tagay ukuurgalka iyo ogaalnimada baahiyaha aasaasiga ah, waxaa ka mid ahaa:

 

  1. Tuulada Cunaqabad,
  2. Deegaanka Masaajidka,
  3. Degsiimadda Baargoo,
  4. Degmada Sayla,
  5. Tuulada Laan-Barwaaqo " Hore Laanta Qaloocan",
  6. Degmada Balicabbane,
  7. Deegaanka Gummarta,
  8. Tuulada Kaabadda galbeed,
  9. Magaaladda caasimadda u ah gobalka Hawd ee Baligubadle,
  10. Degmada Guburaha,
  11. Tuulada Baliga cas,
  12. Iyo Qool-cadday.

 

Hadaba, ukuurgal iyo ogaalnimo ka dib waxaan cabashada iyo baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka gobalka Hawd ku soo koobi lahaa sidatan:

  1. Baahidda Biyaha,
  2. Baahidda Tacliinta,
  3. Baahidda caafimaadka,
  4. Baahida xannaaneynta xoolaha,
  5. Baahida dalagga beeraha,
  6. Iwm,

 

  • Baahidda Biyaha:

 

  • Biyuhu waa kaabaha koowaad ee nolosha noolaha oo aadmigu kow ka yahay, helitaanka biyaha ka dib ayaa laga fikiri karaa nadaafadda, caafimaadka, waxbarashadda, beeraha, xannaaneynta xoolaha iyo guud ahaan horumarinta kaabidda nolosha dadka.

 

  • Guud ahaan dalka iyo gobalka Hawd ba waxa ka jirta cabasho iyo baahi biyood oo isku jaad ah. Wasaaradda Horumarinta biyaha oo qaranka JSL uga mas'uul ah horumarinta biyo soo saarka, kobcinta hanaanka kaabeyaasha biyaha, wanaajinta il-biyoodka dalka, maareynta biyo fidinta, iwm ayay ka go'an tahay dardargalinta hawlaha horumarinta biyaha qaranka.

 

  • Maxaa yeelay, himilada W.H. Biyaha JSL ayaa ah in qofkasta oo muwaadin ahi helo biyo nadiif ah oo ku filan. Sidoo kale higsigeeda ayaa isna ah in horumarinta adeegga biyuhu ay laf dhabar u noqdaan guud ahaan horumarka qaranka.

 

  • Sidoo kale, gobalka Hawd oo ah deegaan iskugu jira xoolo-dhaqato toos ah iyo xoolo dhaqato-beeralay ayaa waxa ka muuqata baahi guud oo dhanka adeegga biyaha ku saabsan, waana mid ay la qabaan walaalaha reer Somaliland. waxaana ka mid ah:

- Baahidda biyo xidheennada oo ku yar,

- Baahidda biyo soo saarka, sida ceelasha dhaadheer, oo qodaal u baahan.

- Baahidda biyo galinta tuulooyinka iyo magaalooyinka,

- Baahidda Sahaminta biyaha iyo daraaseynta.

 

  • Hubaashii, W. H. Biyaha JSL ayaa xili kasta diyaar u ah in ay si wayn ugu dedaasho guud ahaan horumarinta adeegga biyaha dalka, iyada oo sii adkeynaysa jaalnimada dadka gobalka Hawd. Haseyeeshe, sida ay ii xaqiijiyeen culumada aqoonta biyaha ee wasaaradda horumarinta biyaha JSL, horumarinta addeegga biyaha gobalka Hawd, ku guuleysiga soo saariidda biyaha dhulka hoose iyo qabashada biyaha ogaada dhulka ayaa marka hore u baahan in la unko:

 

- Xoojinta awoodda gaadiidka iyo agabka biyo qodaalka Wasaaradda H. Biyaha JSL oo waa in la helaa riigag waawayn oo biyo soo saarka ku gaadhi kara inta u dhaxaysa 300 ilaa 500 mitir.

- Helitaanka cagafyo waawayn oo fulin kara xidhidda iyo qodaalka biyo xidheennada.

- Sameynta dhaqaale iyo qoondeyn dawli ah oo u baahan iskaashiga wasaaradda horumarinta biyaha, madaxda sare ee qaranka iyo shacabka JSL.

- Fulinta sahaminta Biyood oo sugta ilaha biyaha,

 

  • Laf-Dhabarta Baahidda Biyaha:

 

  1. Raadinta Il-biyoodka magaaladda Baligubadle, Biyo galinta iyo sixidda farsamada qodaalka iyo dhismaha dhaamka ku yaalla duleedka magaaladda ee bacdii biyuhu ka fujiyeen dhulka.

 

  1. Hubinta, xaqiininta iyo tijaabinta heerka biyaha ee ceel biyoodka Gumar oo Hay'adda Al-hudda qodaalkiisa ka waddo duleedka deegaanka Gumar.

 

  1. Wax ka ogaalka Riigga muddada dheer qodaalka iyo dhismaha ceel biyoodka Gumburaha ka wada duleedka degmada Gunburaha oo ay hawl wadeenadda hay'adda Al-kkayr ka maqnaayeen goobta shaqadda xiligii aannu ceel tagnay.

 

  1. La wareegidda ceelasha laga qoday Qool-caday oo wasaaradda Xannaanada xooluhu gacanta ku hayso, lagana fuliyey sanduuqa SDF sannadihii tagay.

 

  1. Sixidda iyo qiimeynta farsamada Injineeriyadda, ciidda, habka biyo shubka iyo sameynta mooska biyaha oo ay muuqato in ay ka khaldan tahay Dhaam koox khayri ahi ka qodday duleedka Tuuladda Laan- Barwaaqo.

 

  1. Raadinta Il-biyoodka magaaladda BaliCabbane, Biyo galinta magaaladda.

 

  1. Raadinta Il-biyoodka magaaladda Sayla Bari, Biyo galinta magaaladda.

 

  1. Raadinta Il-biyoodka magaaladda Gumburaha, Biyo galinta magaaladda, iyo ogaalka xaaladda Dhaamka Gumburaha.

 

  1. Hirgalinta sahan biyood dhab ah oo wasaaradda H. Biyuhu hormood ka tahay.

 

  1. Dhammaan goobahan iyo kuwa aanan xusinba waxay u baahan yihiin in dedaal wayn wasaaradda H. Biyubu galiso horumarinta adeegga biyo nadiif ah oo ku filaan kara shacabka gobalka Hawd.

 

  • Gunnaanad:

 

Ugu danbeyntii, waxan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dadka gobta ah ee ku dhaqan gobalka Hawd oo si gobanimo iyo deeqsinimo leh noogu soo dhaweyay sacab, mashraxad iyo hadal aan gabasho iyo god seeg lahayn. Islamarkaanna nagu sooryeeyay caanno, cad, Shuuro/Soor, Baasto iyo Bariis si heer sare ah loo iidaamay.

 

Haddii aan ahay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha oo ka mid ahaa wadtiga wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka waxaan xogta yo ogaalnimada baahiyaha biyaha ee dadka gobalka Hawd la wadaaggi doonnaa wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha oo ah hoggaanka iyo odayga guud ee wasaaradda.

 

Annaga oo xoogga saareyna sidii qorshaha qaranka loogu weeleyn lahaa xallinta cabatinka biyo yaraanta iyo guud ahaan horumarinta adeegga biyaha dalka oo ay safka hore kaga jirto xallinta cabashada biyaha iyo qoondeynta horumarinta il-biyoodka gobalka Hawd. Iyada oo mar walba saldhig iyo halbeeg miisaamada fulinta wasaaradda laga dhiganayo awoodda dhaqaale, haynta qaranka, kala hormeynta baahiyaha adeegga biyaha dalka iyo cududda wasaaraadda.

 

Waxa xusid mudan in doorkan maanta ah, madaxda sare wasaaradda H. Biyaha ay ka reebban dhagax-dhig berito beennooba iyo xadhig ka jarid biyo la'aanni ka danbeyso oo na kala fogeysa quluubta shacabka aan masuuliyiinta u nahay. Waxaan aaminsan nahay odhaahda wasaaradda horumarinta oo ah "GUUSHA BIYUHU WAA GUUSHA QARANKA".

 

Allaa Mahad leh,

 

Wada Shaqeyn Wacan,

 

Jamal A. Muse

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland.