Kulan Qarsoodi Ah Oo Uu Layeshay Wasiirka Wasarada Maaliyada Somaliland Dhigiisa Wasiirka Maaliyada Somaliya.

0
Sunday September 30, 2018 - 13:28:53 in by salman abdi
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Qarsoodi Ah Oo Uu Layeshay Wasiirka Wasarada Maaliyada Somaliland Dhigiisa Wasiirka Maaliyada Somaliya.

    Kulan Qarsoodi Ah Oo Uu Layeshay Wasiirka Wasarada Maaliyada Somaliland Dhigiisa Wasiirka Maaliyada Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan Qarsoodi Ah Oo Uu Layeshay Wasiirka Wasarada Maaliyada Somaliland Dhigiisa Wasiirka Maaliyada Somaliya. Majalada caalamiga ah ee Indian Ocean ee dalka Faransiiska ayaa cadadkeedii u dambeeyay ee Jimcihii waxa ay daabacday warbixin ay ku sheegtay in wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi

uu wada hadalo qarsoodi ah la yeeshay dhigiisa Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan madaxda dawladda Soomaaliya.

Warbixintan oo uu soo turjumay wargeyska Geeska Afrika oo Karinnews soo xiganayso waxa beeniyey wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Cabdi, ayaa waxa ay sheegtay inaanu madaxweyne Biixi ka warqabin wada hadaladaas oo ay Indian Ocean ku tilmaamtay "suurto galnimada in la is waafajiyo dakhligooda cashuurta iyo in la is waafajiyo qaab-dhismeedka nidaamkooda maaliyadeed si loo buuxiyo shuruudaha baanka adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF iyo si ay dib ugu qiimeeyaan daymahooda iyo siinta daymaha".

ayay tidhi warbixintan oo intaas raacisay " Hindisahani waxa uu dawladda faderaalka ee Soomaaliya u ogolaanayaa in qayb dayntaas kamid ah u cayinto/siiso Somaliland, laakiin waxa ku xidhan shardi ah in marka hore heshiis adag oo siyaasi ah la gaadho (Soomaaliya iyo Somaliland)".

Indian Ocean waxa ay sheegtay in wada hadaladan uu wasiirka maaliyadda Somaliland la yeeshay madaxda dawladda Soomaaliya aanu ku wargalin madaxweynihiisa Muuse Biixi Cabdi. " Wada xaajoodka uu galay Yuusuf Maxamed Cabdi , waxa uu su'aal galinayaa rabitaanka Hargeysa ee ah inay ka madaxbanaanaato Muqdisho " ayay tidhi Indian Ocean oo warbixintan ay qortay.

 

Jawaabta Wasiirka

"Warkaasi waa mid been ah oo la sameeyay, waxbana kama jiraan, suurto galna maaha in wada hadalo na dhexmaro Soomaaliya, waayo anigu waxa aan ku shaqeeyaa siyaasadda madaxweynaha oo ah inay Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo kala duwan."

Sidaas waxa ku jawaabay wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo uu wax ka waydiiyey wargeyska Geeska Afrika warbixintan uu qoray wargeyska dalka Faransiiska kasoo baxa ee Indian Ocean.