Daraasad laga sameeyey Dumarka Marsada Make up-ka Faraha Badan iyo Aragtida Raggu ka qabaan

0
Monday September 08, 2014 - 11:43:28 in by Super Admin
  • Visits: 2197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daraasad laga sameeyey Dumarka Marsada Make up-ka Faraha Badan iyo Aragtida Raggu ka qabaan

    In indhaha , ama wajiga ama dibnaha wax la mariyo waa taxanaha qorsheed ee malaayiin dumar ah oo dunida dacaladeeda ku nool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In indhaha , ama wajiga ama dibnaha wax la mariyo waa taxanaha qorsheed ee malaayiin dumar ah oo dunida dacaladeeda ku nool

si ay kor ugu qaadaan quruxdooda, laakiin qaar farabadan oo ka mid ayaa markasta la arkaa iyaga oo ka buuxiya waxyaabaha la ismariyo ee make-upka boorsooyinka ay sitaan iyada oo sababtuna ay tahay fikrad khaldan oo ay ka haystaan in raggu ay xiiseeyaan dumarka sida weyn u isticmaala make-upka.


 

Daraasad la smeeyay ayaa muujineysa in 3 meelood 2 meel dumarka ku dhaqan dalka Ingiriiska ay si weyn isugu dhoob-dhoobaan make-upka iyada ujeedada kaliya ee ay kaleeyihiinna ay tahay in ay soo jiitaan dareenka iyo eegmada in farabadan oo ka mid raga jooga deegaanka ay ku dhaqankyihiin , laakiin si sidaasi ka duwan daraasaddu waxay muujineysaa in 4 meelood 3 meel raga ku dhaqan Ingiriiska ay aad uga doorbidaan dumarka isticmaala make-upka kuwa kale ee iyagu aan waxba wajigooda aan waxba marinin , laakiin kaliya ku qanacsan quruxdooda ilaahay u abuuray.

Daraasaddan ayaa sidoo kale muujineysa in 40 boqolkiiba raggu ay aaminsanyahiin in dumarku ay isticmaalaan make-up aad u farabadan , daraasaddu sidoo kale waxay muujineysaa in 10kii dumar ah ee xidha make-upka mid ka mid ah ay isticmaasho keliya si ay u soo jiidato raga .

Sidoo kale cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in kala badh dumarka isticmaala make-upka ay marsadaan make-upka 1,500 oo mar sanadkii ,halka 3 meelood 2 meel dumarku ay keliya marsadaan make-upka wax ka yar 4 todobaad sanadkii.

In ka badan kala badh dumarka marsada make-upka ayaa la sheegayaa in ay dareemaan farxad marka ay marsadaan make-upka, iyada oo 28 boqolkiiba ay lumiyaan kalsoonida haddii aanay helin make-upkaas ama ay dhacdo in ay iloobaan marsashadiisa taasina waxay ka dhigtay in ay qayb ka noqoto isqurxintooda maalinlaha ah.

Dumarka su’aalaha la weydiiyay ee marsada make-upka 17 boqolkiiba ay iyagu sheegay in haddii aanay marsan make-upka aanay dibadda u bixi kareynin si ay u haasaawo tagaan, halka 14 boqolkiiba ay sheegeen in aanay guriga dibadda uuga bixi-karaynin haddii aanay marsan make-upka.

Kala badh dumarkan su’aalaha la weydiiyay ayaa sheegaya amaba qiray in ay marsadaan make-upka 4 goor maalintii taas oo macnaheedu tahay in ay sanadkii marsadaan 1,460 mar –qaar ka mid ahna waxay sheegeen in ay keliya suuragal tahay in ay laba mar 2dii biloodba ay dibadda u baxaan iyaga oo aan marsan make-upka.




 Contact@afkashacabka.com