Xagee Ayay ku Wajahnayd Doonidaan Degtay Oo Ay Muhaajiriinta Saarnaayeen.

0
Thursday October 04, 2018 - 09:25:42 in by salman abdi
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xagee Ayay ku Wajahnayd Doonidaan Degtay Oo Ay Muhaajiriinta Saarnaayeen.

    Xagee Ayay ku Wajahnayd Doonidaan Degtay Oo Ay Muhaajiriinta Saarnaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xagee Ayay ku Wajahnayd Doonidaan Degtay Oo Ay Muhaajiriinta Saarnaayeen.

Ilaa 60 muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku qarqameen dooni alwaax ah oo gadoontay kadib markii dalka Guinea-Bissau ay dabayl xoog badan ka dhacday.

Ciidamada badda ee dalka ayaa awoodi waayay in ay caawiyaan, markii doonida ay dageysay maalintii isniinta ahayd, sababtoo ah ma aysan haysan agab ku filan. Sidaasi waxaa BBC-da sheegay madaxa dekedaha ee waddanka Felix Siga.

Doonida burburtay ayaa la helay balse wax meeyd ah ayaanan la helin.

Ma cadda halka ay doonida ku wajahnayd balse waxaa caadiyanba dhacda in dadka tahriibaya ayu jahaystaan dhankaas iyo jasiiradda Canary ee dalka Spain.

Guinea-Bissau waxa ay jasiiradda Canary u jirtaa ilaa 1,802 kilomitir.

Si kastaba waddadaan ayaa adkaatay in la maro tan iyo markii sare loo qaaday roondada ay ciidamada maariiniska ka sameeynayeen badda Atlantic kun sagaal boqol iyi sagaashameeyadii.

Shilalka ka dhaca badda oo ay ku jiraan muhaajiriinta ka soo socdaalla waddamada galbeedka Afrika ayaa aad caan u ah.

Ilaalada xeebaha ee dalka Guinea-Bissau ayaa waxa ay haystaan laba doomood oo ah kuwa xawaaraha sare ku socda, balse mararka qaar ma ay awoodaan in ay ka dhaqaaqaan dekedda shidaal la'aan awgeed.

Kadib afgambi milatari oo is xigxigay iyo xasilooni darro ka dhacday dalka ayaa haatan waxa uu ka mid ah waddamada dunida ugu faqrisan.

Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada ayaan awoodin in ay helaan shaqooyin, sidaa darteedna waxa ay waddamada dibedda u raadsan fursado shaqo.