Dawladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday Iyo Waxa Uu Daaran Yahay Heshiisku.

0
Thursday October 04, 2018 - 12:52:17 in by salman abdi
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday Iyo Waxa Uu Daaran Yahay Heshiisku.

    Dawladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday Iyo Waxa Uu Daaran Yahay Heshiisku.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday Iyo Waxa Uu Daaran Yahay Heshiisku.
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo dhiggiisa dalka Sacuudi Carabiya Nabeel Al Amoudi ayaa magaalada xarunta ah ee Riyadh  ku kala saxiixdeen heshiis lagu xoojinayo wax wada qabsi dhinaca duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

"Heshiiska wuxuu qayb ka yahay dadaallada aan ku raadinayno horumarinta duulimaadyada dalka." ayuu yiri Oomaar.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale kulan gaar ah la qaatay madaxa shirkadda Saudi Airlines oo u sheegay inay isku afgarteen  siddii khadka Soomaaliya loogu furi lahaa Saudi Airlines iyo iskaashi guud oo dhexmara.

Oomaar ayaa muddo toddobad ah oo u ku sugnaa dalka Sacuudi Carabiya , waxaa uu ka qaybgalay shirka wasiirrada Gaadiidka ee waddamada Carabta.Shirkaan ayaa waxa uu lahaa ahmiyad weyn oo ku aaddan horumarinta iyo iskaashiga waddamada Carabta ee dhinacyada gaadiidka Cirka,Dhulka iyo Duulista Hawada,waxaana gaba gabadii lagu aas’aasay urur ay ku mideysan yihiin waddamada Carabta.

Ururkaas ayaa ku howlgeli doono la socoshada nabadgelyadda hawada iyo gaadiidka Cirka,isla markaana doorweyn ka qaadan doona mideynta hannaanka amniga Gaadiidka hawada.