Hargeisa:-Haay'adda wadooyinka Somaliland Oo Sagootiyay Injineer Xaga Wadooyinka Aqoon Korodhsi Ka Siinayay.

0
Thursday October 04, 2018 - 13:03:36 in by salman abdi
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Haay'adda wadooyinka Somaliland Oo Sagootiyay Injineer Xaga Wadooyinka Aqoon Korodhsi Ka Siinayay.

    Hargeisa:-Haay'adda wadooyinka Somaliland Oo Sagootiyay Injineer Xaga Wadooyinka Aqoon Korodhsi Ka Siinayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Haay'adda wadooyinka Somaliland Oo Sagootiyay Injineer Xaga Wadooyinka Aqoon Korodhsi Ka Siinayay.

Munaasibada lagu sagootiyay Injineero Ku Takhakhusay Xaga Wadooyinka Iyo Dayac-Tirkooda Oo Muddo Shan Cisho ah aqoon xaga wadooyinka ah siinayay ardayda injineerinka ka dhigta jaamacaddaha iyo haay'adda wadooyinka ayaa lagu qabtay magaaladda hargaysa.

Munaasibada oo ay soo qaban-qaabisay Haay'adda wadooyinka somaliland oo ku hawlan sidii ay wadooyinka dalka u dayac-tiri lahayd ayaa waxa ka soo qayb galay,madaxwayne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylaci,Wasiirka gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Iyo Masuuliyiinta Ka Socday wadanka sweden iyo haay'adda JIZ.

Mareeyaha Haay'adda Wadooyinka Somaliland Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed ayaa sheegay in aqoon kordhsigan ay Shaqaalaha wadooyinku ka heleen khuburadda ka socotay waddanka sweden ay ku timid dadaalka ay haay'addu ku doonayso in dhamaan wadooyinka dalka ay u hesho qorshe ku tallo gal-leh iyo shaqaale aqoontooda leh si looga baxo wadda xumadda gadiidkuna u noqdaa qaar shilkoodu yaraado.

 

 

"waxa noo sharaf ah hadaanu nahay wakaalada horumarinta wadooyinka somaliland inaanu galabta halkan xaflad sagootin ah ugu samayno khuburadii sweden ka timid ee mudada shanta cisho ah ina siinaysay aqoon ku saabsan xaga wadooyinka,barnaamijkana waxaanu ugu magac darnay horumarinta somaliland waxa ay ku jirtaa wadooyin wanaagsan taasi oonu doonayno inaanu maskaxda bulshadda ku soo jeedino in ay wadooyinku yihiin hormuudka nolosha.

Mareeyaha Haay'adda Wadooyinka Somaliland Oo Hadalkiisa Siiwata ayaa yidhi."mar hadii ay wadooyinku waa dhaqaalaha nolosha,wadooyinku waxa ay isku xidhayaan dhamaan bulshooyinka,hadaba si aynu wadooyinkeena u dhisno waa in aynu siinaa muhiimadda koobaad si aynu uga baxno wado xumadda iyo shilalka ay gadiidkeena ku hayso,hadadba anaga oo taas ka duulayno ayaanu ardayda jaamacaddaha ku jira siinay aqoon korodhsi aynu uga dan leenahay in aynu kor u qaado dhismayaasha wadooyinkeena si aynu iskugu xidhno goboladda iyo degmooyinka dalka.

 

Mareeyaha ayaa sheegay in haay'adda wadooyinka somaliland ay hadda ku socoto qaabka xawli ah iyadda oo ka duulaysa sidii ay bulshadda uga haqab-tiri lahayd wadooyin dhisan oo isku xidhaya gobolada iyo degmooyinka dalka.

"Waxa aynu wadooyinka u dhisaynaa si aynu uga baxno wadda xumadda bulshadeena daashatay si aynu uga baxno hooyadda umul arooraysa si aynu bulshadeena u tusno in qofkasta wax qabsan karo una inaga oo ka dhigayna marka aynu wadooyinka hagaajino si looga baxo dhiobtii ay bulshadda ku haysay wadadu.

Dhinaca kale Mareeye ku xigeenka Haay'adda wadooyinka ayaa sheegay in haay'adu ay hadda dhexda u xidhatay iyadda oo fulinaysa siyaasadda madaxwaynaha somaliland in wadooyinka iyo wado kasta oo goda in ay dayac-tir ku sameyeen,waxaana uu cadeeyay in dhismaha waddada ceerigaabo hadda uu ku socodo qaab xawli ah.

Sidoo kale Masuuliyiin Ka Socday Haay'adda JIZ Iyo Injineeradda ka yimid waddanka Sweden oo iyaguna bixinayay aqoon korodhsi ku saabsan qaabka loo dayac-tiro wadooyinka ayaa sheegay in ay markasta gara taagan yihiin haay'adda wadooyinka sidii ay uga taageeri lahaayeen xaga wadooyinka una soo saari lahaayeen injineero xaga wadooyinka ku takhakhusay.

Gudiyo ka socday wadooyinka ay gacanta ku hayaan bulshadda somaliland qaar ka mid ah oo madasha ka hadlay ayaa haay'adda wadooyinka ku amaanay sida ay markasta ula garab taagan tahay wixii hawl ah ee ay uga baahdaan ee qalabka wadooyinka ah.

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isaguna madasha hadalo ka jeediyay ayaa yidhi."runtii caawa aad ayaanu ugu faraxsanahay inaanu kulankan iskugu nimaadno aynu ku sagootinayno waftigan qiimaha badan ee Ka yimid waddanka Sweden kulankanka ay noo qabteen injineeradu saddex ujeedo ayaynu ka lahayn,waxaana ay ahayd inaanu helno dad inaga caawiya xaga wadooyinka oo ay nu xidhiidh dhaw layeelano mustaq-balka xaga wadooyinka ee somaliland,ujeedka labaadna waxa uu ahaa in aynu aqoon ka korodhsano injineeradda iyada oo ujeedka saddexaadna ahaa in wixii fan ah ama dhaqaale ay inooga heli karaa dunida inoogu deeqaan.

Gaba-Gabadii waxa kulanka soo afmeeray madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyadda somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylaci waxaana uu haay'adda wadooyinka ku amaanay sida ay doorka muuqda uga qaadatay in ay dalka keento khubaro ay injineeradda wadooyinka uga faa'idaynayso aqoon xaga wadooyinka ah.