Hogaanka Sare ee Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Kulan Dardar-galin ah La-yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Baanka Dhexe iyo Maamulayaasha Laamaha Caasimada

0
Friday October 05, 2018 - 10:42:18 in by salman abdi
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaanka Sare ee Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Kulan Dardar-galin ah La-yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Baanka Dhexe iyo Maamulayaasha Laamaha Caasimada

    Hogaanka Sare ee Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Kulan Dardar-galin ah La-yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Baanka Dhexe iyo Maamulayaasha Laamaha Caasimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaanka Sare ee Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Kulan Dardar-galin ah La-yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Baanka Dhexe iyo Maamulayaasha Laamaha Caasimada

-Hogaanka Sare ee Baanka Dhexe ee Somalilandayaa kulan la qaatay Maamulayaasha Laamaha Caasimada iyo Agaasime waaxeedyada Baanka Dhexe ee JSL , kulankaas oo daarnaa dardar gelinta habsami socodka howlaha shaqo ee Baanka, iyo sidii loo laban-laabi lahaa dadaalka Baanka Dhexe ee Somaliland ugu jiro ilaalinta qiimaha Shilinka SL iyo la dagaalanka sicir bararka.

Kulankan oo kimada kulamada ugu muhiimsan ee Hogaanka Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland sida joogtada ah ula yeesho Maamulayaasha Laamaha Baanka iyo Agaasime Waaxeedyada Baanka Dhexe ,Ayaa ugu horeyn waxaa kulanka furay Guddoomiyaha Baanka Dhexe SLMudane Cali Ibraahim Jamac, isagoo uga mahad celiyey madaxda iyo Saraakiisha Baanka Dhexe kartida iyo dadaalkooda, Gudoomiyahu wax uu kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii libinlaabaan.
Waxaa isna madasha hadal miisaan leh oo iskugu jira dhiirigalin iyo hogo-tusaalayn ah kasoo jeediyey Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee SomalilandMudane Axmed Xasan Carwo, isaga oo ku nuuxnuuxsaday dardargalinta hawlaha shaqo ee Baanka Dhexe ee Somaliland si looga midho dhaliyo rajada ummadda ee ku saabsan in la helo dhaqaale dagan.
Ugu dambeyntii, waxaa kulankaa soo af-meeray Guddoomiye xigeenka Baanka DhexeMudane Cumar Yusuf Buuxisagoo ku booriyey Saraakiisha iyo Guddoonka Baanka Dhexe-ba in la joogteeyo kulamadan horumarineed ee kor loogu qaadayo adeegyada kala duwan ee Baanka Dhexe Bulshada u fuliyo. Guud ahaan kulankaas oo ahaa mid ay ku dhamaaday jawi degan .