Maxaa La Gudboon Xubnaha Guddida Doorashooyinka Mar Haday Xisbiyadii Ku Heshiin Waayeen?

0
Friday October 05, 2018 - 19:30:19 in by salman abdi
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa La Gudboon Xubnaha Guddida Doorashooyinka Mar Haday Xisbiyadii Ku Heshiin Waayeen?

    Maxaa La Gudboon Xubnaha Guddida Doorashooyinka Mar Haday Xisbiyadii Ku Heshiin Waayeen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa La Gudboon Xubnaha Guddida Doorashooyinka Mar Haday Xisbiyadii Ku Heshiin Waayeen?

Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa soo bandhigay talaabo uu sheegay inay haatan ku haboon tahay guddida doorashooyinka qaranka ee badalkooda ay isku mari la yihiin xisbiyada siyaasadu.


Qoraalka Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa u dhignaa sidan :-Prof Cabdi Cali Jaamac oo qoraal uu kaga hadlayo talaabada la gudboon xubnaha guddida doorashada ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii ay dib iskugu noqon lahaayeen xubnaha guddidaasi.

Anigoo aad u ixtiraamaya xubnaha Komishanka, qaarkoodna aanu asxaab nahay, haddana waxan ku baraarujin lahaa in la soo gaadhay xilligii ay iyagu dib isugu noqon lahaayeen, mar haddii arrinkii qir iyo qir istaagay.


Adduunyadu waa sharafta iyo baabah; inkastoo aydaan siyaasiyiin ahayn, haddana ma tihidin shaqaale caadi ah; hawsha aad haysaana waa siyaasadda dhuuxeedii; siyaasaddu damcad bay leedahay; immika wixii ka danbeeyahaddii aad idinku fududayn waydaan, waxa laga yaabaa in sharaftiina dhaawac soo gaadho; cuntada aad karisaana immika wixii ka danbeeya, ma yeelan doonto wax dhadhan ah; xataa haddii aad xawaashka ku badisaan!!!!; sidaa darteed, markaan eego milgihiina iyo milgaha xilka aad haysaan, waxa idiin fiican in aydaan sii joogin, xataa haddii sidaa la idinka codsado.

Haddii aad sidaa yeeshaan waxaynu noqon doonaa ummad leh dhaqan siyaasadeed (political culture); idinku waanin maayo wax aanan angiu dhaqan u lahayn, laakiin runtii waa mid ka mid ah sababaha aan isku casilo anigu, markaan waxba garan waayo.

U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.