Daawo:-Ururka Al-shabaab Oo Wadanka Somalia Meel Ka Baxsan Dad Ku Laayahay

0
Saturday October 06, 2018 - 09:05:51 in by salman abdi
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:-Ururka Al-shabaab Oo Wadanka Somalia Meel Ka Baxsan Dad Ku Laayahay

    Daawo:-Ururka Al-shabaab Oo Wadanka Somalia Meel Ka Baxsan Dad Ku Laayahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo:-Ururka Al-shabaab Oo Wadanka Somalia Meel Ka Baxsan Dad Ku Laayahay

Taliyaha booliska dalka Mozambique, Bernadino Rafael, ayaa waxa uu sheegay in 90 qof la dilay ku dhawaad 70 kalana ay dhaawacyo soo gaareen tan iyo markii urur Islaami ah uu sanadkii la soo dhaafay dalkaasi ka bilaabay inuu weerraro ka gaysto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dadka ay dileen jihaadiyiintu ay si weyn tirada la sheegay uga sarreyso.

Jihaadiyiinta dalka Mozambique ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga dalka, oo waxa ay galeen tuulooyinka iyagoo sita mindiyo kuwaasi oo ay u adeegsanayeen qoor goynta dadka tuulooyinka.

Waxa ay gubeen in kabadn kun guri sidoo kalana waxa ay weerareen xarumo boolis.

Waxaa loo yaqaanaa Al Shabaab, balse ma cadda in ay xiriir la leeyihiin kooxda ka dagaalanta bariga Afrika oo ay isku magaca yihiin. Waxaana la aaminsayahay in ay malaayiin doolar ay ka heelan iibinta alwaaxa iyo macadanta.

Sanaddadii dambe ururo Islaamiyiin ah oo Al Qaeda xiriir la leh ayaa ka biloowmay dalka Soomaaliya kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya ilaa Tanzaaniya, waxaana macquul ah in ay soo gaareen dalka Mozambique.