XHargaysa:-Xukuumada Somaliland Oo Dhowaan Dalka Kasaari Doonta Dadka Ajaanibka Ah+Sababta

0
Wednesday October 10, 2018 - 13:04:43 in by salman abdi
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XHargaysa:-Xukuumada Somaliland Oo Dhowaan Dalka Kasaari Doonta Dadka Ajaanibka Ah+Sababta

    Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in Shaqaalaha Ajanabiga ah ee dalka Ka Shaqeeya ay tirokoob ku sameeyeen isla markaana tiradii ugu horeysay oo qaban jirtay Shaqooyin kala duwan ay dalka ka saarayaan Dhawaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in Shaqaalaha Ajanabiga ah ee dalka Ka Shaqeeya ay tirokoob ku sameeyeen isla markaana tiradii ugu horeysay oo qaban jirtay Shaqooyin kala duwan ay dalka ka saarayaan Dhawaan.

Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Shaqo Gelinta Somaliland Hinda Jaamac Xirsi oo ka hadlaysay Meel Fagaare ah ayaa xustay in talaabadan ay uga gol leeyihiin sidii kor loogu qaadi lahaa Dhalinyaradda Somaliland ee wax-baratay, waxaana hadaladeedii Ka mid ah.

"Xukuumaddu markii ay taladda dalka qabatay waxa ay go’aan ku gaadhay in shaqo uu qof muwaadin ahi qaban karo in aanu qaban Karin qof ajanabi ahi.

Wasaaradunawaxa ay bilawday 13 January tiro koob, waxaanan guud ahaanba soo tirakoobnay shaqooyinka ay hayaan Dadka Ajanabiga ahi iyo Dadkeena Wax soo bartay ee maanta jooggaa” ayay Tidhi Marwo Hinda Xirsi Jaamac.

 

Waxa ay ka hadashay qorashaha xukuumadda Kulmiye uga meel Yaala Dadka Ajanabiga ah ee ka hawl gala Somaliland, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa "Waxa aanu bilaabaynaa Daad Gurayntii Dadka aan u qalmin in ay dalka ka shaqeeyaan oo haddii Alle Idmo aad kala socon doontaan Warbaahinta kala duwan oo aanu ku soo bandhigi doono, Qaybihii ugu horeeyay oo dalka Pakistan u dhashay ayaanu dalka ka saaraynaa” ayay tidhi.