War Deg Deg Ah:-Safiirka Maraykanka Ee Qaramada Midoobay Oo Is Casishay +Sababta Ka Danbaysa.

0
Wednesday October 10, 2018 - 13:51:11 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Safiirka Maraykanka Ee Qaramada Midoobay Oo Is Casishay +Sababta Ka Danbaysa.

    War Deg Deg Ah:-Safiirka Maraykanka Ee Qaramada Midoobay Oo Is Casishay +Sababta Ka Danbaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Safiirka Maraykanka Ee Qaramada Midoobay Oo Is Casishay +Sababta Ka Danbaysa. Madaxweyne Donald Trump ayaa aqbalayistiqaaladda danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley.



Waxaanu xafiiskiisa Oval Office ugu sheegay warfidiyeenka in ay xilka wareejin doonto dhamaadka sannadkan, ka dib "shaqo aad loogu bogay" oo ay qabatay.


 

 

Isaga oo ay la fadhido xafiiska haweenaydan ahaan jirtay badhasaabkii hore ee gobolka South Carolina ayuu madaxweynuhu sheegay in ay xil kale ka qaban karto xukuumadiisa oo waxa uu yidhi "xilkaad doonto dooro".


Haley waxa xilka danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay loo ansixiyey bishii Jeeniweri ee 2017-kii.


Trump wuxu sheegay in Haley ay lix bilood ka hor u sheegtay in ay doonayso inay xilka muddo ka nasato.


Waxay warfidiyeenka u sheegtay in, inkasta oo la hadal hayey aanay iyadu qorshaysan in ay u tartanto madaxweynenimo sanadka 2020-ka, laakiin ay u ololayn doonto Trump oo hore u sheegay in uu mar labaad is sharraxi doono.