Baay:-Bam gacmeed lagu weerarray guriga guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay+Khasaraha Ka Dhashay.

0
Thursday October 11, 2018 - 13:09:35 in by salman abdi
  • Visits: 373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baay:-Bam gacmeed lagu weerarray guriga guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay+Khasaraha Ka Dhashay.

    Baay:-Bam gacmeed lagu weerarray guriga guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay+Khasaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baay:-Bam gacmeed lagu weerarray guriga guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay+Khasaraha Ka Dhashay.
Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacmay weerar lagu qaaday xalay fiidkii guriga guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay oo ku yaal magaalada Baydhabo,sida ay saraakiishu sheegeen.

 

Weerarka waxaa la sheegay in loo adeegsaday bam gacmeed ,iyadoo labada ruux ee ku dhaawacmay mid ka mid uu ahaa askari ilaalo u ahaa iyo gabar guriga ku sugneyd.

Saraakiisha amniga waxaa ay sheegeen inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay weerar, mana jirto cid wali sheegatay inay mas'uul ka tahay.

Weerarro midkan la mid ah ayaa marar kala duwan ka dhacay magaalada Baydhabo,halkaas oo ay inta badan ku suganyihiin mas'uuliyiinta sare ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.