Kooxaha fallaagada Suuriya oo wali ku sugan gudaha gobolka Idlib.

0
Tuesday October 16, 2018 - 09:10:23 in by salman abdi
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha fallaagada Suuriya oo wali ku sugan gudaha gobolka Idlib.

    Kooxaha fallaagada Suuriya oo wali ku sugan gudaha gobolka Idlib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha fallaagada Suuriya oo wali ku sugan gudaha gobolka Idlib.

Waxaa dhamaaday wakhtigii kama dambeysta ahaa ee kooxaha jihaad doonka ahi loo qabtay in ay uga baxaan furimaha hore ee woqooyiga Suuriya, mana muuqata astaan muujineysa in kooxahani ay halkaasi ka baxeen.

Dowladaha Turkiga iyo Ruushka ayaa kormeeraya qorshaha gobolka idlib looga sameynayo dhul ka caaggan mintidiinta, taa oo looga gol-leeyahay in la kala fogeeyo kooxaha fallaagada ahi iyo ciidamada dowladda Suuriya.

Waddamadani ayaa kooxahani Islaamiyiinta ahi u qabtay ilaa iyo maanta oo isniin ahayd in ay halkaasi kaga baxaan.

Balse dadka la socda arrimaha dalkaasi Suuriya ayaa sheegaya in mintidiinta kooxahani islaamiga ahi ay wali halkaasi ku sugan yihiin.

Ilaa iyo haatan wax war ah oo arrintaa ku saabsan kama uusan soo bixin Turkida iyo Ruushka.

Xukuumadda Moscow ayaa usbuucii la soo dhaafay sheegtay in dib u dhac yar oo ku saabsan dhaqan galka qorshahaasi mintidiintu uga baxayanaa aagaasi aanan loo qaadan doonin wax weyn.

suuriyaLahaanshaha sawirkaREUTERS

Qorshahaasi ayaa la dejiyay kaddib shir waddamada Iraan, Turkiga iyo Ruushku ay ku yeesheen magaalada Tehraan, xilli ay jirtay cabsi laga qabay in ciidamada Suuriya ay duulaan xooggan ku qaadaan gobolka Idlib.

Duulaankaasi ayaa waxaa aad uga soo horjeestay dowladda Turkiga iyo beesha caalamka inteeda kale.

Dowladda Turkiga ayaa heshiiska qorshahaasi ka hor ciidamo tira badan uu ku xoojiyey xadka Suuriya ee Idilib oo ay ku xooggan yihiin milishiyaad gacan saar la leh oo dowladda Suuriya ka soo horjeeda, iyada oo tallaabadan uu Turkigu qaadayna lagu tilmaamay mid lama filaan ah.

Turkiga ayaa wuxuu gacan siiyaa milishiyada Idlib gacanta ku haysa oo dowladda Bashar Al-Assad ay xilligaasi dooneysay iney ka qabsato goobaha hadhay ee ay gacanta ku hayaan.

suuriyaLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY IMAGES

Qaramada midoobay ayaa iyaduna sheegtay dagaallada ka socday gobolka Idlib bishii Sebteembar oo keliya iney ku qaxeen dad ka badan 38,500 oo qof, xiisadda ka soo cusboonaatay aggaasina ay horseedi karto dhibaato intaa ka sii ballaadhan.

Dad lagu qayaaso 2.9 milyan oo qof oo ay ka mid yihiin hal milyan oo carruur ah ayaa ku nool deegaannada Idlib, Hama iyo Xalab oo ay gacanta ku hayaan milishiyaadka agarabka ka helo dowladda Turkiga iyo kuwa jihaad doonka ah.