Muqdisho:-"Go'aanka aan qaadanay kuma xirna arinta Wariyaha la la'yahay"Wasiirka Arimaha Dabada Somalia.

0
Tuesday October 16, 2018 - 13:41:21 in by salman abdi
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-"Go'aanka aan qaadanay kuma xirna arinta Wariyaha la la'yahay"Wasiirka Arimaha Dabada Somalia.

    Muqdisho:-"Go'aanka aan qaadanay kuma xirna arinta Wariyaha la la'yahay"Wasiirka Arimaha Dabada Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-"Go'aanka aan qaadanay kuma xirna arinta Wariyaha la la'yahay"Wasiirka Arimaha Dabada Somalia.

Wasiirka arrimaha dibedda dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay isku bar bar taagtay Boqortooyada Sacuudiga, ayaa sheegay in aysan isku xirneyn go’aanka ay qaadatay dowladda iyo arinta wariyaha la la’yahay ee Jamal Khashoggi

Isaga oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu meesha ka saaray in go’aankan dowladda Soomaaliya gaartay yahay mid loo maariyay oo ay dalbatay dowladda Sacuudiga, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in uu yahay go’aan Soomaaliyeed.

 

‘’Iskuma xirna arinta wariyaha la la’yahay iyo mowqifka aynu qaadanay, waa mabda’a joogto ah inay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga mowqifkeeda ay ku diidan tahay in la handado ama loo hanjabo in aysan fiicneyn oo ah olole lagu waxyeeleynayo ay wadaan quwado”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Laakiin wasiirka ayaa ka war-wareegtay islamarkaana ku dhiiranwaayay in uu cadeeyo mowqifka dowladda Soomaaliya ee la xiriira wariyaha la la’yahay oo markii ugu wardanbeysay ku sugnaa gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in marnaba dowladda Soomaaliya ka dalban doonin dowladda Sacuudiga in laga run sheego baaritaanka socda, iyo mowqifkeeda ku aadan in ay ka xuntahay wali in war iyo wacaal loo heynin halka uu ku danbeeyay Khashoggi.

‘’Annaga arrinta wariyaha ah go’aan kama aanan gaarin ugama hor imaan, kumana difaacin Sacuudiga, go’aanka waxaa weeye dowladda sacuudiga ku garab taaganahay dhaqaalaha iyo amnigooda in la difaaco”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa noqoneysa dowladdii ugu horeysay ee muujisay mowqifkeeda ku aadan cadaadiska lagu hayo Sacuudiga kaddib warka ku saabsan in la la’yahay wariye Jamal Khashoggi, waxaana jira cadaadis heer caalami ah oo isa soo taraya iyo dareen dunida oo idil ka muujisay arinkan.