Daawo: Madaxweyne Siilanyo oo Maalintii 2aad Shahaado Guddoonsiiyey Arday ka Qalinjebisay Jamacadaha Somaliland+SAWIRO

0
Wednesday September 10, 2014 - 16:51:25 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Madaxweyne Siilanyo oo Maalintii 2aad Shahaado Guddoonsiiyey Arday ka Qalinjebisay Jamacadaha Somaliland+SAWIRO

    iyo Qalinjebintii Ardayda Jamacadda Gollis University oo uu khubad dhiirigelin ah ka jeediyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo Qalinjebintii Ardayda Jamacadda Gollis University oo uu khubad dhiirigelin ah ka jeediyey
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Xaflada Qalinjebinta ee Jaamacada Golis University oo xaflad u qabatay Ardaydii sanadkan ka baxday jaamacada

xafladaasi oo lagu qabtay Hotel Mansor Hargeysa,Madaxweynaha oo Ardayda hadalo duco iyo Dardaaranba u soo jeediyey ayaa ka dibna gudoonsiiyey 10 kii Arday ee ugu sareeyey Jaamacada Shahaado Sharaf, ay jaamacadu ugu talo gashay Ardaydaasi iyo Sidoo kale Odayaal iyo masuuliyiin ay jaamacadu u garatay shahaado sharaf ay ku mutaysteen doorka ay jaamacada ka ciyaareen.

ugu danbayna waxa dhamaan Ardaydaasi qalinjebisay maanta Caawa Casuumad balaadhan oo casho sahraf ah u sameeyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo horena Casuumado sidan oo kale ah u sameeyey Ardaydii ka qalinjebisay Jaamacada Camuud ee Boorama iyo Shalay oo ay Qalinjebiyeen in ka badan 416 Arday oo dhamaysatay Jaamacada Admas university wasiirkuna uu xalay casho sharaf ugu sameeyey hotel Mansor hargeysa.








CONTACT@AFKASHACABKA.COM