Cesc Fabregas Oo Maanta U Dabaal Dagaya Sanad Guuradiisii 15-aad Markii Uu Garoomada Heerka Sare Kasoo Muuqday & Taariikhdii Ka Dambeysay

0
Sunday October 28, 2018 - 14:21:34 in by salman abdi
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cesc Fabregas Oo Maanta U Dabaal Dagaya Sanad Guuradiisii 15-aad Markii Uu Garoomada Heerka Sare Kasoo Muuqday & Taariikhdii Ka Dambeysay

    Cesc Fabregas Oo Maanta U Dabaal Dagaya Sanad Guuradiisii 15-aad Markii Uu Garoomada Heerka Sare Kasoo Muuqday & Taariikhdii Ka Dambeysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cesc Fabregas Oo Maanta U Dabaal Dagaya Sanad Guuradiisii 15-aad Markii Uu Garoomada Heerka Sare Kasoo Muuqday & Taariikhdii Ka Dambeysay

Maanta waa sanad guuradii 15-aad ee Francesc Fabregas ama Cesc, waa xiddig caan ah oo kubadda cagta ku xamaasha, 28-ka October waa maalin ku weyn maadaama uu saftay kulankiisii ugu horreeyay tartan rasmi ah.

Arsene Wenger isagoo ka hoos ciyaaraya, Cesc Fabregas oo 16-jir iyo 177-maalmood ah ayaa loo gacan galiyay kulankiisii ugu horreyay, wuxuuna kulan ka tirsan League Cup ka hortagay Rotherham, markaas oo ay kooxdiisa 9-8 rigooreyaal ah ku badisay kulan 1-1 ku dhamaaday.

Xiddiga khadka dhexe, wuxuu bandhig cajiib leh kasoo muujiyay koobkii Adduunka ee dhalinyarada 17-jirada laguna qabtay Finland, wuxuu markaas hantay abaalmarinta Golden Ball & Golden Boot, wuxuuna jabiyay rikoorkiiJermaine Pennant kaas oo ahaa xiddigii ugu yaraa ee Arsenal u safta kaas oo 16-sano iyo 319-maalmood ugu ciyaaray Gunners.

 

Maalinkaas, inkastoo Spain aad looga yaqaanay hadana dunida kubadda cagta waxey aqoonsadeen xiddig da’yar oo hadana mustaqbal ifaya leh, haatan wuxuu fadhiyaa kursiga keydka Chelsea isagoo xiran wali lambarkiisii qiimaha lahaa ee (4).

"Waxaan qol la wadaagay Thierry Henry,Dennis Bergkamp iyo Robert Pires, maalintaas maahan mid aan iloobi karo” ayuu yiri Cesc Fabregas.

Pablo Brotons oo ka tirsan shabakadda Marca ayaa maalintaas wax ka qoray sida looga istaagay xiddiga garoonka Highbury, wuxuu badal kusoo galay daqiiqadii 84-aad sidaas darteed si lama filaan ah ayaa loogu istaagay.

 

Tan iyo markaas wuxuu xisaabsaday in ka badan 700 kulan oo xirfadlenimo ah isagoo xirtay maaliyadda saddex kooxood oo yurub maqaam ku leh waqtigaanArsenal, Barcelona iyo Chelsea, sidoo kalana wuxuu heystaa rikooro shakhsiyadeed.

Arsenal wuxuu kula guuleystay:Premier League, Community Shield iyo FA Cup, Barcelona wuxuu kula guuleystay:2 Super Cups iyo LaLiga Santander, halka Chelsea uu la hantay: 2 Horyaal, 1 FA Cup iyo 1 League Cup, dhanka caalamiga ah wuxuu heystaa laba jeer tartanka qaramada yurub iyo hal jeer oo ah jaa’izada koobka Adduunka.

Fabregas oo 32-jir ah bisha June ee soo aadan wuxuu noqon doonaa xor, lama oga inuu lasii joogi doono Blues wakhti kale ama uu mustaqbalkiisa u weecin doono meel kale.