Jabuuti:-Dawlada Djibouti Oo SI Adag Uga Hor Timid War Murtiyeed Laga Soo Saaray Magaalada Muqdisho -

0
Sunday October 28, 2018 - 16:55:15 in by salman abdi
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti:-Dawlada Djibouti Oo SI Adag Uga Hor Timid War Murtiyeed Laga Soo Saaray Magaalada Muqdisho -

    -Dowladda Jabuuti ayaa si aad ah uga hor-timid mid ka mid ah qodobada laga soo saarayo shirka kooxda xidhriidhka Soomaaliya ee ururka dalalka Islaamka, oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Dowladda Jabuuti ayaa si aad ah uga hor-timid mid ka mid ah qodobada laga soo saarayo shirka kooxda xidhriidhka Soomaaliya ee ururka dalalka Islaamka, oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


Qodobka ay Jabuuti diidan tahay, oo ah midka sagaalaad, ayaa waxa uu ka hadlkaya isbeddelada siyaasadeed ee ka dhacay gobolka Geeska Afrika, waxaana uu leeyahay "Kulanka waxa uu soo dhoweynayaa isbeddelada wanaagsan ee dhowaan ka dhacay gobolka Geeska Afrika”.


Jabuuti ayaa ku doodeysa inaysan jirin sabab isbeddel wanaagsan loogu sheego waxyaabaha ka scda Geeska Afrika, ama xitaa in qodobakaasba lagu soo daro shirka, xilli Eritrea ay weli haysato dhul ay  abuuti leedahay iyo maxaabiis reer Jabuuti ah.

 

Wada-hadallo laga leeyahay qodobada shirka kasoo baxaya, ayaa ergada Jabuuti waxay ku doodeen in iyagoo xubinrasmi ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, islamarkaana Eritrea ay dhul iyo maxaabiis ka heysto aysan sax aheyn in qodobkaas in lagu soo daro war-murtiyeed-ka.

Jabuuti ayaa sidoo kale waxaa la yaab ku noqday, islamarkaana ay codsadeen in la caddeeyo qodobkaas cida wadata ama loogu daneynayo, maadaama Itoobiya iyo Eritrea aysan ka mid aheyn Ururka Iskaashiga Islaamka.

Illaa hadda ma cadda sida uu noqon doono war-murtiyeedka kasoo baxaya kulanka, waxaana sidoo kale la ogeyn go’aanka ay qaateen Xogheynta Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, markii ay Jabuuti dood ka keeneen qodobka Is-bedelka Geeska Afrika.