Hargaysa:-"Somaliland Waa Inay La Garnaqsataa Beesha Caalamka"..Dallada SSE Oo Baaq Culus Soo Saartay

0
Tuesday October 30, 2018 - 15:49:18 in by salman abdi
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-"Somaliland Waa Inay La Garnaqsataa Beesha Caalamka"..Dallada SSE Oo Baaq Culus Soo Saartay

    Dallada ay ku midoobeen jaalidayaha somaliland ee qaarada yurub oo loo yaqaano SSE(Somaliland Society In Europe) ayaa soo jeedisay in shir toos ah lala galo beesha caalamka si loo hor dhigo qadiyada somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dallada ay ku midoobeen jaalidayaha somaliland ee qaarada yurub oo loo yaqaano SSE(Somaliland Society In Europe) ayaa soo jeedisay in shir toos ah lala galo beesha caalamka si loo hor dhigo qadiyada somaliland.


War saxaafadeed ka soo baxay dallada SSE ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in somaliland ay la garnaqsato beesha caalamka, waxaanu war saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

 

Somaliland waa in ay la garnaqsato beesha caalamka .

Waxaa haboon in somaliland beesha caalamka lagasho shir degdeg ah lana muujiyo in aan Somaliland iyo Somaliya waxba ku heshiin karin, shirkaasna ay haboontahay in Somaliland gudaheeda lagu qabto, amaba Kenya lagu qabto laguna martiqaado danjirayaasha beesha caalamka intii muhiim ah iyo UN-ta.

 

Runtii waxaa la gaadhey wakhtigii aynu beesha caalamka la garnaqsan lahayn una sheegi lahayn jiritankeena dawladnimo iyo sharciyada qaranimadeena , isla iyo markaana aduunka loogu gudbin lahaa dacwad degdeg ah oo muujinaysaa dhibaatooyinka hada taagan ee ay Somaliya kusoo qaadey qaranka J. Somaliland tusaale ahaan--

  • Dagaal ciidan amaba cudud melatari oo xuduuda ah lagaga soo weerarey Somaliland .
  • Is-hortaagida mucaawinooyinka caalamiga ah amaba deeqaha bini aadanimo.
  • Dagaal dhaqaale curyaamin ah sida maalgelintii dekeda Berbera .
  • la wareegida hawada somaliland.
  • Ka bixida go’aanadii iyo heshiisyadii ka soo baxay wadahadaladii Somliland iyo Somaliya
  • Dagaal diblomaasiyadeed oo ah wiiqida xidhiidhka ay Somaliland la leedahay bulshada caalamka .
  • Dagaal siyaasadeed oo ku wajahan furfurka bulshada Somaliland.

 

  • Waa in la muujiyo loona soo bandhigo beesha caalamka dhibaatooyinkii ku dhacay dadka iyo dalka somaliland laga soo bilaabo 1960 ilaa 1991.
  • Waa in la muujiyo sharciyada qaranimada Somaliland historical case( legal case ) iyo qaangaadhnimada shuruudaha dawladnimo ee somaliland( The main criteria for statehood remain those set by the 1933 Montevideo Convention )

Waa in beesha caalamka loo sheega loona qeexo kaalinta muhiimka ah ee ay somaliland kaga jirto aduunka iyo kan mandaqadaba tusaale ahaan,--

1. Somaliland waa wadan aduunka nabadgalyadiisa qayb weyn ka qaata sida ladagaalanka aragaixisada iyo budhcadbadeeda isla iyo markaana guud ahaanba amaanka aduunka iyo ta amaanka gobolkaba door muhiima ah kaga jira

2. waa wadan ku guulstey dhisida hanaanka doorashooyin hufan iyo hirgilinta nidaamka dimuqraadiyadeed. Tusaale iyo ku dashana u ah dimuqraadiyada ka hana qaada Afrika (geeska afrika) iyo guud ahaanba mandaqada

3 Somaliland waa wadan aan aduunku caawin sida xaqiiqdu tahayna jiritaanka somaliland waa mid faa’iido weyn u leh aduunka intiisa kale .

4. Somaliland waa wadan ku yaala goob istraatiijiga ah ee gacanka carbeed oo ku haboon saldhigyo melatari iyo dekedo wax laga dhoofshaba, sidoo kale hadii nabad gelyo daro ka dhacdana noqon kara mid halis weyn aduunka ku ah.

Taa badalkeeda Somaliya:-waa wadan aduunka dhibaato ku haya , dhaqaalana aduunku ku caawiyo isla iyo markaana aan lahayn dawlad hanan karta qaranimada Somaliya sidaa daraadeed waxa la odhan karaa somaliya may buuxin shuruudihii qaranimo (statehood qualifications ).

Sidoo kale waa in beesha caalamka loo gudbiyaacabashoah sida aduunku indhaha uga qarsaday markii xasuuqa iyo dhibku haystey umada somaliland gaar ahaan sideetanaadkii ilaa 1991 kii iyo markale markii umada somaliland ka soo laabatey qaoontigii gacan buuxdana ku dhigtey dhulkeedii hooyo aaney wax caawima ka helin caalamka hadey tahay dib udhiskii iyo ka qayb qaadashadii dhismaha dawladnimo ee maanta ka jirta Somaliland , iyo mar saxdexaadba markii somaliland dhistey dawlad buuxda oo dimuqraadi ah sida ay beesha caalamka aaney u aqoonsan una hagratey qarankan dhan ee jira iyo umada 4 milyan ah oo xuquuqdoodii iyo aayo ka tashigooda la duudsiyey laguna qasbayo dawlad aan buuxin shuuridii dawladnimo iyada somaliland iyo somaliya ahaayeen laba dawladood oo isku darsadey ee aaney aheyn dawlad ka go’aysa dawlad kale .

Gebagebadii- waxaa haboon in somaliland beesha caalamka si cad ugu sheegto in aaney somaliland iyo somaliya mar danbe ku heshiin karin dawlad ay wadaagaan sidoo kale danta caalamk , danta mandaqada iyo danta somaliland iyo somaliyaba ay ku jirto in somaliland la ctiraafo sidaa daraadeedna somaliland marti uga tahay beesha caalamka aqoonsi buuxa.

 

Somaliland guul

Guddida Fulinta dalada jaaliyada Somaliland ee yurub ( SSE)