Ciyaaraha: Luis Suarez oo ka hadlay Sababta Ay Barcelona U Raadineyso Badalkiisa

0
Friday November 02, 2018 - 11:25:12 in by salman abdi
  • Visits: 1039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaraha: Luis Suarez oo ka hadlay Sababta Ay Barcelona U Raadineyso Badalkiisa

    Waa Maxay Sababta Ay Barcelona U Raadineyso Badalka Luis Suarez? Isaga Qudhiisa Ayaa Saxaafadda Uga Jawaabay Kadib El-Clasico.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Sababta Ay Barcelona U Raadineyso Badalka Luis Suarez? Isaga Qudhiisa Ayaa Saxaafadda Uga Jawaabay Kadib El-Clasico.

Waxaa la saadaalinayaa in bilaha soo aadan isbadalo waaweyn ay ka dhici doonaan Barcelona, wararka la helayo ayaa sheegayaOusmane Dembele loo sheegay inuu raadsado koox cusub iyadoo ay xiiseynayaan kooxaha Arsenal, Liverpool & Chelsea.

Xiddiga ku guuleystay koobka Adduunka wuxuu u muuqdaa mid quustay, xitaa dhaawaca Lionel Messi uma saamixin inuu kasoo muuqdo kulanka El-Clasico, balse qeybaha dambe ayuu muuqaal ku yeeshay isagoo agaasimay goolkii Arturo Vidal.

Su’aasha waxey tahay yaa xigi doona? Durba waxaa la dareensan yahay in Barcelona ay suuqa aad uga baadi goobeyso badalka Luis Suarez, isaga ayaana saxaafadda u xaqiijiyay waxa ay la macno tahay iney tallabaadaas qaaddo kooxda.

Kadib guushii uu kooxdiisa ka gaarsiyay Real Madrid ayuu saxaafadda la hadlay, wuxuna sheegay iney tahay wax caadi ah: "Iney Barcelona raadineyso lambar 9, waa wax caadi ah, waayo waxaan ahay 31-sano jir” ayuu yiri Suarez oo la hadlayay idaacadda Uruguay laga leeyahay eeSport890.

Waxaana la is weydiinayaa Barcelona ma heleysaa badalkiisa iyadoo la ogyahay xiddigaan tayada uu leeyahay iyo sidoo kale inuu yahay xiddig miisaan ku leh qolka labiska garoonka Camp Nou, si caaqilnimo ah ayuuna wax walba u dareensan yahay xiddigii hore Liverpool