Ciyaaraha:Xaaladda Dhaawaca Marcelo Oo Madax-xanuun Ku Riday Tababaraha Cusub Ee Real Madrid

0
Friday November 02, 2018 - 11:41:00 in by salman abdi
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaraha:Xaaladda Dhaawaca Marcelo Oo Madax-xanuun Ku Riday Tababaraha Cusub Ee Real Madrid

    Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono, iyo Kulamada Uu Seegi Doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono, iyo Kulamada Uu Seegi Doono

Real Madrid ayaa kulamada soo socda waayi doonta adeegga laacibka baasha bidix ee Marcelo oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Barcelona ku burburisay Axaddii, markaas oo garoonka laga saaray qaybtii labaad.

Baadhitaan lagu sameeyey ayaa waxa lagu ogaaday in Marcelo uu muddo ka maqnaan doono kooxdiisa oo aanu kusoo laaban doonin, xilli loo qabo baahi ka badan intii hore maadaama tabababaraha cusub ee Solari uu qorshihiisa udub-dhexaad uga dhigay.

Warbixin ay Real Madrid kasoo saartay Caafimaadka Marcelo ayaa waxay ku sheegtay in laga daweeyey dhaawac muruqa lugta midig ah oo soo gaadhay ciyaartii Barcelona, waxaana uu seegi doonaa afar ciyaarood oo ay ku jirto ciyaartii xalay ay guusha lagu diirsaday kasoo gaadheen Melilla ee tartanka Copa del Rey.

"Baadhitaan lagu sameeyey Marcelo xarunta adeegga caafimaadka ee Real Madrid, waxa lagaga daweeyey dhaawac muruqa lugta midig ah, xaaladdiisana waa la qiimaynayaa.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka Real Madrid kasoo saartay.

Dhaawacan ayaa uu ku maqnaan doonaa muddo laba toddobaad ah oo Real Madrid ay ciyaari doonto laba kulan oo horyaalka LaLiga ka tirsan iyo mid Champions League ah oo ay waajihi doonto kooxaha Real Valladolid, Viktoria Plzen iyo Celta Vigo, waxaana la filayaa in xilliga ciyaaraha caalamiga ah loo baxayo ee badhtamaha bishan November uu dib ugu soo laabto tababarka