Hargaysa:-Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Sanad Guurada 25aad Ee Ciidamada Booliska, Dhambaal Hambalyo Ahna U Diray

0
Sunday November 04, 2018 - 12:39:42 in by salman abdi
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Sanad Guurada 25aad Ee Ciidamada Booliska, Dhambaal Hambalyo Ahna U Diray

    Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar ayaa ciidamada booliska ku hambalyeeyey sanad guurada 25aad ee ka soo wareegtay aas aaskooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar ayaa ciidamada booliska ku hambalyeeyey sanad guurada 25aad ee ka soo wareegtay aas aaskooda.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa dhambaalka hambalyada ah ee uu u diray ciidamada booliska waxa uu ku yidhi "Waxaan Halkan Hambalyo uga Gudbinayaa Ciidanka Boliska Jamhuuriyadda Somaliland : Saraakiisha uu ugu horreeyo Taliyaha Ciidanka Boliska Sareeye Gaas Cabdillahi Fadal iimaan, Taliye Ku-xigeennada Ciidanka Boliska, Saraakiisha, Saraakiil Ku-xigeennada, Dableyda, Marwooyinkooda iyo Carruurtooda Aniga oo Ku Hambalyeynaaya: Maalinta Xuska 25 Shan iyo Labaatan Guurada Aas-aaska: Ciidanka Nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan idin Leeyahay Sannadkan Kiisa Xiga Ku Gaadh Guul, Horumar, Barwaaqo iyo Nabad. Xilka Nabadgelyada iyo Xasiloonida ee aad Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland u haysaanna Allah Ha idiin Fududdeeyo hana idinku Asturo. Ugu Dambayn Waxaan idin Leeyahay: NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN.