Talyaaniga:-Wabi Karkaarada Jabsaday Oo Dad Badan Ku Laayay Talyaaniga

0
Monday November 05, 2018 - 11:08:46 in by salman abdi
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talyaaniga:-Wabi Karkaarada Jabsaday Oo Dad Badan Ku Laayay Talyaaniga

    Labo qoys oo Talyaani ah ayay dhibaato wayn soo gaartay ka dib markii uu karkaarada jabsaday wabi, kaas oo sababay in uu ka kor maro guryihii ay daganaayeen ee magaalada Sicily.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo qoys oo Talyaani ah ayay dhibaato wayn soo gaartay ka dib markii uu karkaarada jabsaday wabi, kaas oo sababay in uu ka kor maro guryihii ay daganaayeen ee magaalada Sicily.


Sagaal ruux ayaa dhacdadaas ku dhimatay dhacdadaas, waxayna isugu jiraan carruur da'doodu kala tahay hal sano, saddex sano, 15 sano iyo waaliddiintood. Saddex ruux oo guryaha ka maqnaa ayaana badbaaday.

Saddex ruux oo kalana waxay dhinteen markii ay biyuhu qaadeen gaarigii ay watteen oo marayay koonfurta jasiiradda.

Maalmo ay mahiigaanno da'ayeen, dabaylo xoogganna ka dhacayeen Talyaaniga waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 ruux oo badankoodu ku sugnaa waqooyiga iyo galbeedka.

Waxyeellada ugu waynna waxay gaartay waddooyinka agagaarka Belluno ee gobolka waqooyiga Veneto, maalmo ay socdeen dabaylana waxaa waddooyinka jaray ciid, dhagaxaan iyo biyo.

 

Lix gobol ayaa feejignaan la galiyay waxaana ka mid ah Veneto ilaa Sicily iyo Sardinia oo dhanka koonfurta ah.

Masiibada Casteldaccia ayaa dhacday habeennimadii Sabtida.

Sources: BBC Somali.