MUWAADIN KU NOOL KA CARARIDA KUWII ADEEGA UU KA SUGAYEY

0
Friday November 09, 2018 - 13:24:54 in by salman abdi
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUWAADIN KU NOOL KA CARARIDA KUWII ADEEGA UU KA SUGAYEY

    MUWAADIN KU NOOL KA CARARIDA KUWII ADEEGA UU KA SUGAYEY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUWAADIN KU NOOL KA CARARIDA KUWII ADEEGA UU KA SUGAYEY Muwaadin saaka soo kalahay oo suuqa wayn ee waaheen u soo arsaaqad doontay lagana yaabo in uu ka yimi xaas iyo caruur khasabna


Waxa kale oo wax laga naxo ah cida arintan samaynaysaa waa ciidankii loo sameeyey ilaalinta iyo u adeegida isla bulshada ay dhibaatadan ku hayaaan,Ugu horayn, waxa wax aad looga xumaado ah in aad adigoo u soo kalahay si aad u raadsato arsaaqadaada ay hadana qalbigaaga iyo maskaxdaaduba ka fikirayan sidii aad isaga ilaalin lahayd xadhig, jidh dil iyo burburinta hantidaada iyadoo aaney jirin wax sabab ah ay arintaasi kugu dhacayso oo xagaaga ka ahaatey.

balse ay ugu badelen in ay u adeegaan dhiig miirato dawlada hoose magaceedu yahay oo aan aqoon muwaadin, balse taqaan cashuur urursi hab awoodeed ah una adeegsata masaankiinta iyadoon loo eegayn


awooda muwaadinka amase karaankiisa balse ay tahay waajib saaran arintaasi in uu bixiyana ay tahay.

 

Muwaadin saaka soo kalahay oo suuqa wayn ee waaheen u soo arsaaqad doontay lagana yaabo in uu ka yimi xaas iyo caruur khasabna ay ku tahay in caawa wax kula laabto, kana werwersan in uu faro madhnaan ku tago ayaa isagoon waxba laga iibsan laga rabaa cashuurta maalinlaha ah, waana ku khasab in uu bixiya, waxaana dhacda in uu u amaah tago si uu isaga bixiyo intii la xidhi lahaa oo ganaax kale oo ka sii adagi fuuli lahaa.

waxaad ila qarwaaqsanaysaa akhriste in arinkan uu yahay mid xaqiiqa ah oo jira balse aanu ahayn dhaliil iyo cambaarayn aan cid gaara ku beegsanayo, mana fiicna in aad cid iska Eedaysaa iyadoo aaney ahayn xaqiiq jirta.

Arintan muuqalka ka muuqata waa tii kaliftey in ay isu dilaan dhalinyaro kuwan oo kale ah oo u adkaysan waayey dhibaatada, dhagxumada iyo dhiig miirashada ay ku hayaan dad awood isticmaalaya oo aan damiir lahayn.
Waxaynu hal tusaale u soo qaadanaynaa wiilkii 26 sano jirka ahaa ee u dhashay dalka Tunusia oo la odhan jiray Bouaziz.
Wiilkaan oo marki uu dhimanayey ahaa 26 jir ayaa iibin jiray qudaarta iyo miraha kala duwan ee kasoo baxo beeraha ee la cuno, waxa shaqadaasi uu ku caawin jiray ilaa iyo sideed ruux, bishi waxa kasoo gali jirtay lacag ka yar $150 oo ah lacag aanan ku filneyn.

Hamigiisa waxaa ku yaalay inuu soo iibsado baabuur uu ku qaato qudaarta, laakin waxaa u diiday sadex sarkaal oo ka tirsanaa maamulka degmada Bouazzizi oo uu kasoo jeeday sida ay sheegeen qoyskiisa.

Saraakiisha waxay weydisteen in uu bixiyo laaluush, kadibna waxay qabsadeen alaabihi u saarnaa gaariga iyaga oo garaacid ugu daray, waxaa marki danbe laga hor is taagay in dacwadiisa uu u gudbiyo gudoomiyaha gobolka, laakin wuxuu sameeyey intii xarunta maamulka hortagay ayuu is gubay, taasina waxay dhalisay kacdoon xilka lagaga tuurey dawlad in kabadan 23 Sano talinaysay.

ugu dambayntii hadii qofka cadaadis, jidhdil, laaluush iyo hantidiisa oo la burburiyo uu waa kasta oo barya uu kala kulmo kuwii uu adeega ka sugayey, waxa suura gala in ku dhaqaaqo waxkasta oo maskaxdiisa ku soo dhaca sax iyo qalad isagoon u kala eegin.
Waxan Alle ugu baryaya in dhamaan muwadiniinta dhibaataysan Alle u gargaaro sabirkoodana alle ka ajar siiyo.
Aamin-Aamin-Aamin

W/Q: Ahmed Harir Adam
Hargeisa, Somaliland