hadii aanad ahayn qoraa u faa'iideeya dadka kale noqo akhriste u faa'iideeya naftiisa waa qalinkii ibraahin xamari

0
Sunday March 02, 2014 - 14:43:02 in by London Office
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    hadii aanad ahayn qoraa u faa'iideeya dadka kale noqo akhriste u faa'iideeya naftiisa waa qalinkii ibraahin xamari

    waxaa xikmadda fahma oo akhrista qofka xakiimka ah waa sheeko gaaban oo xikmadi ku jirto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa xikmadda fahma oo akhrista qofka xakiimka ah waa sheeko gaaban oo xikmadi ku jirto

NIN RAGINA WUU GARANAYAA NACASNA LOO SHEEGI MAAYO

Beri hore oo xiligii gumaystihii ahayd ayaa waxaa ku bilawday ingiriiskii dagaal, dagaalkaas oo ahaa dagaalkii labaad ee aduunka markaa ingiriisku waxa uu u baahday ciidamo badan oo uu dagaalka u diro si ay guul uga soo hooyaan dabadeedna ciidamadii waxa uu ka soo uruuriyay wadamadii uu gumaysan jiray oo dhan ku waas oo uu ka mid ahaa wadan keenani.

 

Hadaba marka aynu diiradda saarno inta inaga khusaysa dagaalkaa ayaa waxaa dhacday in uu ingiriiskii isugu yeedhay dadkii reer Somaliland ee meesha joogay dhamaantoodna wuu liis gareeyay isaga oo xushay raga intii awooda iyo xoogaba lahayd.

 

Dabadeed waxa uu ka dhaadhiciyay waxaa la’idinka dhigayaa saraakiil sar sare markii ay arintu halkaa maraysay ayaa waxaa lagu taxay hub, dirays iyo qalabkii la siin jiray ninka milatariga ah ee loo dirayo goob dagaal.

 

Iyagu may dareen sanayn khiyaamada uu ingiriisku wato ee waxay ahaayeen daacad, ingiriiskana ra’yigiisu waxa uu ahaa in uu iskaga gufeeyo faranta dagaalka.

 

Hadaba siduu arinkii sidii u ahaa ee nimankiina halkii ugu gaashaan naayeen hubkoodi waxoogaa yar oo tababar ahna la siiyay ayaa waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah la yidhi waa la baxayaa ee soo fuula markabkan inta markab la soo istaajiyay dakada magaalada berbera nin aad u caqli badan oo ahaa ciidanka magaaladaa ku sugnaa ayaa dareen galay oo waxa uu is waydiiyay halkee loo wadaa raggan waanu dareensanaa in dagaalo ka socdaan dunida meelo ka mida ingiriiskuna ku jiro dagaaladaa.

 

Ninkii wax garadka ahaa arintii way u cadaatay waxan uu ingiriisku damacsan yahay wuu fahmay, wuu is hayn kari waayay dabadeedna waxa uu u tagay janankii ingriiska ahaa ee watay ciidanka markaasuu su’aalay "sir xagee naloo wadaa?”

 

Sarkaalkii ingiriiska ahaa wuu dareemay in ninkani wax fahan san yahay laakiin meel uu ka noqdaa aanay jirin maadaama hada lagu dhex jiro badwayntii markaa waxa uu go’aan saday in uu runta u sheego kaligii iyada oo aanay inta kale daraamaynin markaasuu intuu fikiray ugu jawaabay "nin ragina wuu garanayaa nacasna loo sheegi mayo”

qalinkii Ibraahin Xamari