Muuse Biixi Iyo Talada Dalka SUPER JEEGAAN Iyo Muwaadinka Kale (Qaybtii 35aad) By : Maxamed Xoosh

0
Friday November 09, 2018 - 13:24:54 in by salman abdi
  • Visits: 1149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka SUPER JEEGAAN Iyo Muwaadinka Kale (Qaybtii 35aad) By : Maxamed Xoosh

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka SUPER JEEGAAN Iyo Muwaadinka Kale (Qaybtii 35aad) By : Maxamed Xoosh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Iyo Talada Dalka SUPER JEEGAAN Iyo Muwaadinka Kale (Qaybtii 35aad) By : Maxamed Xoosh

Halisaha Jeegaantu Ku Hayso Somaliland Waxa Ugu Culus In Ay Muwaadiniintii Loo Kala Qaybiyay Super Jeegaan Iyo Inta Kale Oo Dhan Oo Ah Muwaadin Caadiya

 

Dhibta Kala Qaybsanaantan Iyo Kala Fogaanshaha Keentay Waa DOORASHADII 2017 Ka Dacday Dalka Si Xisbiga Kulmiye U Guulaysto Ayaa La Ciyaaray Kaadhkan, Balse Waxa La Raaciyay ..... Oo Keenay Dilaacan Innagu Adkaatay Tolmadiisii ´Qoraal Kale Aynu Ku Xusi`

 

Marka Qaranimada Laga Soo Daadago Waa La Tartamaa, Waxa Jira Meelo Lama Taabtaan ah Oo Aan La Dhaafin, Sida Ciyaaraha Feedhka Iyo Karate-ga Lama Ogola In Ciyaaroyga Laga Laago Wixii Ka Hooseeya Suunka Dhexda Ku Xidhanyahay , Sidaasay U Dhacday Doorashadii Ina Dhaaftay Waa Halka Abuurtay Guuxan Xooga Badan

 

Labada Muwaadin Ee Kala Ah Super Jeegaan Iyo Muwaadinka Caadiga Ah Waxay Ku Kala Duwan Yihiin

1-Super Jeegaan Somaliland Wuxu u Hayaa Kalsooni Buuxda Iyo Inuu Helay Xaqii Muwaadinimo Oo Weli Wax Ka Maqan Yihiin, Fursadaha Soo Baxa Qayb Libaax Inuu Isagu Leeyahay !!!

 

2-Muwaadinka Caadiga Ah Wuxu Dareemayaa In Somaliland Laga Leeyahay Oo Jiro Dad Super Ah Oo Dadka Laga Horaysiiyo Fursadaha Soo Baxa Inuu Hadhaaga Keliya Leeyahay

 

Labada Qaybood Qolo Kalsoonidooda Ayaa La Dhisay Duruufo Deegaan, Taariikheed ,Siyaasi , Xulafaysi Siyaasadeed, Qaranimadii Qolo Xarun u Noqotay….


 

 

Qaybaha Kale Labaad Oo Ah Muwaadintiinta Degta Somaliland Barri Ilaa Galbeed Majortiy Waxay Dareemayaan Kalsooni Yari Si Kastaba Ha Ku Timaadee , Siyaasi Keenay , Deegaan Fog Keenay, Taariikhiyii Keentay ….



Xukuumada Muuse Biixi Waxa La Gudboon In La Soo Celiyo Kalsoonidii Muwaadinku Ku Kalsoonaa Dawladnimada Inaan Laga Lahayn Oo Ay Tahay Tiir U Dhaxeeya Dhamaan Dadka Oo Dhan In U Wada Jira.


Muwaadinku Hadii Dareemo Kalsooni Daro Waxba Ma Qabsan Karo Waayo Awoodihiisa Oo Dhan Ayaa Istaaga, Maskax, Fikir, Muruq , Firfircooni, Jidh Iyo Culays Saarma Dhinac Walba