Hargeisa:-Siyaasi Cali Mareexaan Maxuu Ka Yidhi Kulankii Dhex Maray Wadamada Itoobiya , Erteria Iyo Somaliya.

0
Sunday November 11, 2018 - 16:17:41 in by salman abdi
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Siyaasi Cali Mareexaan Maxuu Ka Yidhi Kulankii Dhex Maray Wadamada Itoobiya , Erteria Iyo Somaliya.

    Hargeisa:-Siyaasi Cali Mareexaan Maxuu Ka Yidhi Kulankii Dhex Maray Wadamada Itoobiya , Erteria Iyo Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Siyaasi Cali Mareexaan Maxuu Ka Yidhi Kulankii Dhex Maray Wadamada Itoobiya , Erteria Iyo Somaliya.

Wasiirkii hawlaga guud iyo guryenta ee xukuumadii Madaxweyne Siilanyo Siyaasi Cali Mareexaan ayaa waxaa uu ka hadley kulankii saddex geesoodka ah ee dhawaan magaalada Godar ku dhex maray hogaamiyahaasha Itoobiya , Erteria Iyo Somaliya

Cali Mareexan ayaa kaga Hadley qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxaana uu ku bilaabay sidan

" Shirku wuxuu ahaa ra’yi ay Eritria wadato oo ahaa in la saxeexo in cuna qabataynta laga qaado Eritria, waana la saxeexay. Ma jirin wax uu la shir tegey Farmaajo oo aan ka ahayn in la ilaaliyo territorial integrity iyo sovereignty ee Somalia oo ilaa 1991 la odhan jiray. Taas ilaalinteedu waxay ku xidhan tahay dadka dalka iska leh. Hadii uu dal wada maamuli kari waayo dulkiisa ma haysto sovereignty dhamaystiray, hadii dal ay quwado shisheeye badh ama dhamaantii gacanta ku hayaan dalkaasi maaha sovereign state. Hadii uu labo dal u kala go’ana kaba sii daran. Markaa midnimada Iyo wada jirka kuuma hayaan Eritria iyo Ethopia oo iyaguba ahaa laba dal oo kala go’ay 1993.

Sharciga caalamka waxaa is barbar socda inla ilaaliyo madaxbanaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee dal kasta oo ah in aan cidina dibeda ka doo fara gelin iyo xaqa aayo ka talinta umadaha oo ah in ummadii ama shacabkii isku garan waaya in ay dal kasii mid ahaadaan la waydiiyo aayahooda. Taasina waa ta keentay in Scotland oo 300 oo sano ka mid ahayd Briton laga qaado afti dadwayne in ay UK kasii mid ahaanayaan iyo inkale. waa keentay in todobaadkii hore Newcaledonia laga qaado afti in ay France kasii mid ahaanayaan iyo in ay madax bannaani rabaan.

Sidoo kale Farmaajo lama shirtegin sidii amni darada Xamar iyo Somalia ku sii baahaya sidii wax loogala qaban lahaa, waxaad moodaysay in aan arinkaasi mudnaan u ahayn.

Isaias Afwerqi way u caddayd mudnaatiisa koobaad oo ah in cuna qabataynta laga qaado oo uu muujiyo in dawladaha gobolku la ogol yihiin, laasna wuu ka saxeexday.

Sidoo kale arinta Djibouti Iyo Eritria waxba lagama soo qaadin taasina waxay muujinaysaa sida aanu Farmaajo u ahayn indheer garad.

Ugu danbayn waxay u ekeyd in maxadwayne Farmaajo ay cidi ku tidhi meesha tag oo waxaa soo qabo.”