Dab ka kacay Maqaaxi ku taala gudaha Garoonka Aadan Cadde magaalada Muqdisho

0
Monday November 12, 2018 - 14:12:32 in by salman abdi
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab ka kacay Maqaaxi ku taala gudaha Garoonka Aadan Cadde magaalada Muqdisho

    Dab ka kacay Maqaaxi ku taala gudaha Garoonka Aadan Cadde magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab ka kacay Maqaaxi ku taala gudaha Garoonka Aadan Cadde magaalada Muqdisho Waxaa hakad ku yimid howlihii dulimaadka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib dab ka kacay maqaaxi ku taala gudaha Garoonka. Gaar ahana maqaaxidan uu dabka ka kacay ayaa la sheegay in ay ku taalo qeybta duulimaad-yada caalamiga ah, iyadoo sababta dabkana lagu sheegay cilad koronto. Ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay dab-kan oo markii danbe lagu guuleystay in la damiyo sida ay sheegeen qaar ka mid ah howladeennada garoonka diyaaradaha. Saraakiil ka tirsan howlwadeennada garoonka ayaa warbaahinta u sheegay in saacadaha soo socda dib loo bilaabayo howlihii dullimaadka oo wax xooggaa hakad ah ku yimid. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa mid mashquul ah oo maalin walba duulimaadyo isugu jira gudaha dalka iyo kuwa caalami ah