Jabuuti:-Safiirka Somaliland Ufadhiya Jabuuti Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Labada Dal, Dhaliilana U Soo Jeediyey Mucaaradka.

0
Monday November 19, 2018 - 09:53:10 in by salman abdi
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti:-Safiirka Somaliland Ufadhiya Jabuuti Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Labada Dal, Dhaliilana U Soo Jeediyey Mucaaradka.

    Wakiilka Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa ka hadlay xidhiidhka labada dal, waxaanu tilmaamay in xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan leh inuu labada dal ka dhexeeyo, isla markaana xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti inuu mara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa ka hadlay xidhiidhka labada dal, waxaanu tilmaamay in xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan leh inuu labada dal ka dhexeeyo, isla markaana xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti inuu marayo halkii ugu sareeysay.



Safiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka Qaran ee Mucaaradku ku baaqeen, waxasnu sheegay in Shir Qarran uu Madaxweynaha oo qudhi go'aamin karo, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo u waramaya Warbaahinta "Xidhiidhku maanta meel wanaagsan buu marayaa meeshii ugu sareeysay, waxaanu anagu ka shaqeeyno Safiirka ama Wakiilka marka lagu leeyahay,waa muhiimada kowaad inay noqoto isku Xidhka labada dal, amniga iyo isku Socodka labada dal ee walaalaha ah, waana saaxibkaa kowaad ee aynu leenahay,weynu ogayn duufanadii iyo abarihii oo ka horeeyey siday inoogu soo gurmadeen,abaartii ugu dambeeysayna waa kuwii 44 Gaadhi u soo diray Somaliland,Calankeenii baa Safarada ka taagan, wax kasta oo bulshada Caalamku leeyihiin waan u leenahay, Shirar badan oo Caalamiya waa naloogu yeedha, oo ay ka mid yihiin Shirarka Barlamaanka, Madaxweynaha Riwaanda markii uu yimid Shirkii Barlamaanka waa naloogu yeeedhay,Safiirada Caalamka Shirarkooda waa naloogu yeedha, Safiirkii Mareykanka, Safiirka Sucuudiga mid walba waanu is ag fadhinaa, meel ay Caalamka ka dhacdaana ma jirto", .

Safiir Cabdifataax mar uu ka hadllaayey cidda awoodo u Leh inay Shir Qaran qabato ayuu yidhi "Shacabku wacana leeyahay waa inaad ka feejignaantaan cidda dhexdiina ku jirta ee raba inay carqalad sameeyaan,Dastuurka jabiyaan,iyagoo Xisbiyo Qaran ku soo baxay, Xisbiyada qaar weynu ognahay oo waa kuwa iyagoo sheeganaya Xisbiyadii ugu horeeyey, ayaa haddana maanta leh Shir Qaran iyo Shir Beeleed ha la qabto, waxaan leeyahay dadka ha wareerinina dadku wey idinka caqli badan yihiin, adeer aynu Dawladda ilaashaano, shacabaw waad ogeydeen dhibaato ayaa Somaliland gaadhay waa la qaday, dagaal sokeeye ayaa dhacay,ee maanta walaa Xukuumad walaa Mucaarad mid aad ka yeeshaan yaanu jirin,nabad Baynu haysanaa, Nabadu naas la Nuugo Ayey leedahay,beriyahan waxaa la maqlaayey Shir Beeleed baa la sameeynayaa talo Qaran baa la sameeynayaa,Shir Qaran waxaa isku yeedha Kara oo Dastuurka Somaliland ku cad Madaxweynaha oo Kaliya,inay dadku fahmaan baa muhiima,walaa Xisbi Qaran baan go'aamiin Karin,walaa mid boqolkiiba afar helay baan go aamin Karin, Madaxweynaha oo Kaliya ayaa go'aamin Kara,nimanka Xisbiyada Mucaaradka ah ee saaxibadaya waxaan leeyahay xidhiidhka wanaagsan ee aanu sameeynayno ha baabiinina,dadkana waxaan leeyahay meel wanaagsan bay wax inoo marayaan".

Safiirku mar uu ka hadlaayey is bedelada ka socda manqada iyo hagardaamada Somaliya ku Wado Somaliland ayaa yidhi "Dawladda Farmaajo waxay mar walba ku hawlan tahay oo ay u soo tafa-xaydatay in Somaliland la cuno-qabateeyo,haddana mar walba waxay leedahay wada hadal baanu doonaynaa,waxaan leeyahay adeer labadaasi isma qabtaan,Haddii ay doonaynaa in saaxad sax ah lagu wada hadlo ha ka waantoobaan,is bedelka Geeska ka socdana aad baanu u soo dhaweeeynaynaa".