Hargeysa: Daawo Buugga Codkarkii Caanka ahaa CAWKE oo Hargeysa lagu soo Bandhigay iyo Nuxurka Kelmadihi laga Jeediyey Munasibadda+Sawiro

0
Friday November 23, 2018 - 17:22:01 in by salman abdi
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Daawo Buugga Codkarkii Caanka ahaa CAWKE oo Hargeysa lagu soo Bandhigay iyo Nuxurka Kelmadihi laga Jeediyey Munasibadda+Sawiro

    Munaasibaddan Lagu Soo Bandhigay Buugga laga Qoray Astaantii saaxaafadda soomaalida alla ha u Naxariistee Axmed Xasan Cawke oo loo Bixiyey Codkarkii Caanka ahaa CAWKE ayaa habeenkii xalay ahaa ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibaddan Lagu Soo Bandhigay Buugga laga Qoray Astaantii saaxaafadda soomaalida alla ha u Naxariistee Axmed Xasan Cawke oo loo Bixiyey Codkarkii Caanka ahaa CAWKE ayaa habeenkii xalay ahaa ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Bandhiggan Buugga Cawke ayay ka soo qaybgaleen Aqoonyahano, Qoraayo, Ururka suxufiyinta Somaliland ee SOLJA iyo Marti sharaf kale oo badan.

Ugu horeyna waxaa munaasibadaasi hadalka iba furay Eng ibrahin Xamari oo ka sheekeyey TaariikhdaQoraaga Buugga mustafe Cisman magaalo.

Mustafe Cisman magaalo qoraaga buugani ayaa isaguna si faahfaahsan u sharraxay Waxyaabaha uu ku qoray Buuggan, sababta uu xushay inu cawke Buug ka qoro iyo waliba caqabadihii uu kala kulmay muddadii uu ku jiray Qorista iyo soo saarista Buuggan.

Guddomiyaha Ururka suxufiyinta Somaliand ee SOLJA Maxamud Cabdi Jamac Xuuto, Qoraa Xasan Cabdi Madar, Aqoonyahan Cabdikarin Axmed Mooge iyo Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UCID Mr Cabdinasir Muxumed Xasan Buuni, waxay aad u ammaaneen Qoraaga Buugga iyo Weliba Marxumka laga Qoray Buuggan.

Gebogabadii Bahda Halqor ayaa martidii bandhigaas timi uga mahadcelisay kasoo qaybgalkooda, waxana kelmado ku saabsan daabacadda Hiilpress ka jeediyey munasibadda cabdisalaan axmed mus cagag, sidoo kalena waxa suaalo lagu waydiiyey munaasibadda qoraaga buugga isagoo mid mid uga jawaabay, waxana munaasibadda dhowr jeer dhex taal looga dhigay codadkii cawke isagoo wax daadihinaya, riwaayad xayaysiinaya, waraysiyoqaadaya sido kalena isaga la waraysanayo.

Daawo Sawirrada:

Image may contain: 8 people, including Abdalla M Ali, people smiling, people standingImage may contain: 5 people, including Garyaqaan Abdirahman JamaImage may contain: 4 people, including Garyaqaan Abdirahman Jama, people standingImage may contain: 8 people, people sittingImage may contain: 3 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, glassesImage may contain: 1 person, textImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, beard and glassesImage may contain: 2 people, people sitting and beardImage may contain: 18 people, including Eng Ibraahin Xamari, Garyaqaan Abdirahman Jama and Raysa Mahamoud Adam, people smiling, people sitting, people standing, beard and outdoor