
Ceerigabo:-Madaxweyne Biixi Iyo Guddidii Nabadeynta Ceel Afweyn Oo Iska Xog-warraystay Natiijada Nabadayntii Ceel-afweyn.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay u hoydey magaalada ceel-Afweyn ee gobolka sanaag, waxaanu halkaa kulamo kala duwan kula yeeshay guddida heer qaran ee ka garnaqeysay diriirtii colaadeed ee ka dhacdey degmada Ceel-Afweyn iyo labadii dhinac ee ay saameysay shaqaaqadaas heshiiska laga gaadhay.
Madaxweynaha Somaliland,ayaa dhiniciisa guddidan ku bogaadiyay dedaalada ay wadaan ee ay nabad waarta kaga dhalinayaan deegaanka ceel-Afweyn, geesta kale madaxweynaha Somaliland ayaa kulamo muhiim ah la qaatey madaxda dhaqanka waayeelka iyo wax garadka labadii beeleed ee walaalaha ah, didirtuna ku dhexmartey deegaano ka tirsan degmada Ceel-Afwey ee gobolka sanaag, waxaanu madaxweynuhu labada dhinac farey fulinta awaamiirtii ka soo baxdey guddidii xeer beegtida aheyd ee nabada ka waddey degaamada sanaag.
Madaxweynaha Somaliland iyo waxgaradka labadaa bulsho ayaa is buuxda isula meel dhigay fulinta qodobadii heshiiska ka soo baxay shirkii nabada ee hore uga qabsoomay Ceel-Afweyn iyo ilaalinta guud ahaan nabadgalyada dalka somaliland oo cid walba waajib ku ah balse uu si gaara ugu dardaaray Madaxweynuhu inay dhawraan heeganna ugu jiraan.
Ujeedka Kulankan iyo joogitaanka uu madaxweynuhu xalay u hoyday Cee-Afweyn ,ayaa salka ku haysa in uu madaxweynuhu joob-joog ka ahaado hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskii hore loo kala saxeexday.
Ceerigabo:-Madaxweyne Biixi Iyo Guddidii Nabadeynta Ceel Afweyn Oo Iska Xog-warraystay Natiijada Nabadayntii Ceel-afweyn.
Ceerigabo:-Madaxweyne Biixi Iyo Guddidii Nabadeynta Ceel Afweyn Oo Iska Xog-warraystay Natiijada Nabadayntii Ceel-afweyn.